4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
Qarax lagu weeraray deegaan Shiicadu ay degto oo ku yaalla Gobolka Kano ee Waddanka Nigeria


Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Qarax khasaare badan dhaliyay ayaa lala beegsaday deegaan shiicadu leedahay oo ku yaalla gobolka Kano ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen ilo wareedyo dhanka amniga ah iyo hoggaamiyaha Shiicada dalka Nigeria.

Muhammad Turi ayaa sheegay in 21-ruux lagu dilay qaraxaas, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, sidoo kale booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay in khasaare aad u xooggan uu qaraxaas ka dhashay, balse ma sheegin cadadka khasaaraha.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Dakozoye oo Koonfurta kaga aaddan magaalada Garum Mallam oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Kano.

“Deegaanku waa mid geedo badan oo beero leh, kuna taalla wadada dhinceeda, walaaeenu waa sidii goob walba looga dhigi lahaa amni, waayo qaraxu wuxuu ahaa mid xoog badan,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Kano, Muhammad Musa Katsina.

Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay inaan weli la garanayn cidda ka dambeysa weerarka; balse tuhunnada la qabo ayaa ah inay u badan tahay inay ka dambeyso weerarkan kooxda Boko Haram oo ka dagaallanta Nigeria.

Boko Haram ayaa horay qaraxyo noocan oo kale ah uga geysatay dalka Nigeria, kuwaasoo sababay khasaaraha badan oo isugu jirta dhimasho & dhaawac fara badan. Inkatsoo haatan ay u muuqdaan in weerarradoodu ay si aad ah hoos ugu dhaceen.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, ayay laba gabdhood oo waxyaabaha qarxa ay ku xiran yihiin jirkooda ay isku qarxiyeen suuq ku yaalla gobolka Kano, kasoo ay ku dhinteen 14-ruux, in ka badan 100-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. 

Dhanka kale, Boko Haram ayaa horay u sheegtay inay qosheynayso inay ka hirgeliso dalka Nigeria ku dhaqanka sharceeda Islaamka, iyadoo inta badan gobollada Koonfurta Nigeria ku yaalla ay gacanta ku dhigtay tan iyo markii ay billowday weerarradeeda 2009-kii. 

Ugu dambeyn, qiyaastii 2.1-milyan oo reer Nigeria ah ayaa deegaannadii ay ku noolaayeen ka barakacay, halka kumannaan ruux oo kalena ay ku dhinteen weerarro kala duwan oo ay mas’uuliyaddooda sheegatay kooxda Boko Haram.   

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya