4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
SAWIRRO: Ardayda Jaamacada SIMAD oo Dhiig ugu Deeqay Bangiga Dhiigga ee isbitaalka SOS


Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Xarunta Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta xaflad dhiig loogu deeqayo Bankiga dhiigga ee Isbitaalka SOS, si hooyada iyo dhalaanka la dhigayo Isbitaalka loogu badbaadiyo.

Munaasabaddan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay kulyadaha Injineeriyadda ee jaamacadda SIMAD, waxayna ahayd mid looga hadlayay sidii ardayda iyo macallimiinta ay dhiig ugu tabaruci lahaayeen isbitaalka SOS ee Muqdisho.

Inj. Maxamed Maxamuud oo ah hormuudka kulliyada Injineeriyadda Jaamacadda SIMAD ayaa sheegay in barmaanijkan ujeedkiisu yahay sidii ardayda SIMAD ay dadkooda wax u tari lahaayeen, taasoo ah inay ugu yaaran dhiiggooda ugu deeqaan dadka tabaaleysan.

“Barnaamijkan waa in ardayda la baro inay dadkooda wax u taraan, faa’idada ku jirtana ay tahay in ardayga laftiisa uu hibanayo caafimaadkiisa, isla markaana caafimaadkuusu yahay mid wanaagsan, waa barnaamijkii ugu horreeyay, waxaana qabanaynaa mid ka weyn oo ay Jaamacadda kawada qayb-qaadan doonto sidii isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho ay dhiig ugu tabaruci lahaayeen,” ayuu yiri hormuudka kulliyada Injineeriyada ee SIMAD.

Sidoo kale, waxaa xafladda ka hadlay hormuudka kulliyada caafimaadka ee SIMAD, Dr. Maxamed Amiin oo tilmaamay in bixinta dhiigga ay tahay mid caafimaad, loona baahan yahay in qof kasta uu dhiiggiisa ugu deeqo walaalihiis dhiban, wuxuuna ku boorriyay in gabdhaha ay ka qayb-qaataan dhiig-bixinta, maadaama dhaqan ahaan aan loo baran in gabdhah ay dhiig bixiyaan, loona baahan yahay inay taas kaga daydaan caalamka intiisa kale.

Madaxa qaybta baarista iyo keydka dhiigga ee Isbitaalka SOS oo isna ka hadlay xafladda ayaa xusay inay aad ugu faraxsan yihiin inay arkaan Macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda SIMAD oo dhiiggooda ugu deeqaan walaalahooda, isagoo xusay inay soo dhaweynayaan tallaabadan, isla markaana tahay arrin yididdiilo leh.

Dhanka kale, ku-simaha guddoomiyaha Jaamacada SIMAD ahna guddoomiye ku xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda, Inj. Maxamuud Maxamed Calasow ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tabarucaada dhiigga ee ay sameeyeen ardayda iyo macalimiinta, isagoo tilmaamay inay tahay waxa ugu muhiimsan ee dadka lagu badbaadiyo, isla markaana ah sadaqada ugu fiican ay tahay dhiig la baxsado..

Ugu dambeyn, Inj. Calasow wuxuu xusay in Jaamacadda SIMAD ay mar walba shacabka Soomaaliyeed caawiso, ayna garab-istaagto, taasoo qayb weyn ka ah barnaamijyada lagu gar-gaarayo dadka dan-yarta ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya