4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
Wasiiro Maanta la dhaariyay iyo sharci dib loogu eegayo kharashka Dowladda FS oo la Ansixiyay


Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa maanta lagu hor-dhaariyay wasiirro dhawaan uu soo magacaabay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke; iyadoo dhinaca kale xildhibaannadu ay isla maanta ansixiyeen qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda Somalia.

Markii la furay shirka baarlamaanka Somalia ayaa la dhaariyay wasiirrada dhawaan la soo magacaabay oo kala ah; Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo horay u ahaan jiray danjiraha Somalia u fadhiyay Turkiga oo loo dhaariyay xilka wasiirka Tamarta iyo Biyaha iyo Inj. C/rashiid Maxamed Axmed oo loo dhaariyey xilka wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha.

Dhaarinta wasiirada kaddib waxay xildhibaannada baarlamaanku u codeeyaan qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda Somalia ee bilihii Jannaayo illaa May ee 2015-ka, oo uu soo diyaariyay guddiga maaliyada, qorsheynta, miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’daha dowladd.

Natiijada codeynta ayaa waxay noqotay 140-xildhibaan iyadoo hal xildhibaanna uu diiday sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka federaalka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir-guddoominayay.

Ugu dambeyn, kulankii baarlamaanka Soomaaliya ee maanta waxaa xildhibaannada loogu qaybiyey mashruuc ku saabsan ilaalinta badqabka dhulka iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigaan sameyntiisa ay ka dambeysay doodihii golaha baarlamaanka Soomaaliya uu ka yeeshay xuduudda u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya