4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
BURUNDI: La-taliyaha Madaxweynaha Burundi oo ka badbaaday Weerar lagu Qaarijin lahaa


Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Saraakiisha booliiska Burundi iyo goob-joogayaal ku sugan maaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi ayaa sheegay inuu ka badbaaday la-taliyaha madaxewyne Pierre Nkurunziza weerar kooxo hubeysan ku qaadeen gaarigiisa, kuwaasoo doonayay inay qaajiyaan.

Ku xigeenka afhayeenka booliiska dalka Burundi, Moise Nkurunziza ayaa sheegay inuu ka badbaaday la-taliyaha madaxweynaha Burundi, Zenon Ndaruvukanye weerar kooxo dabley ahi ay la beegsadeen gaarigiisa oo marayay bartamaha magaalada Bujumbura, inkastoo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa mid kalena uu dhaawac culus kasoo gaaray.

Xarunta dalka Burundi ee Bujumbura ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan waxaa ka dhacayay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhashay go’aankii madaxweyne Nkururnziza uu ku sheegay inuu mar saddexaad u tartamayo xilka madaxweynenimo ee waddankiisa.

Goob-jooge magaciisa ku sheegay, Ndaruvukanye ayaa isaguna u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah in kooxo hubeysan ay weerareen mas’uul ka tirsan xukuumadda Burundi, xilli uu ku socday gurigiisa, waxaana uu intaas ku daray goob-jooguhu in gaariga Zenon Ndaruvukanye ay weerareen lix qof oo dabley ah mar uu marayay xaafadda Kajaga ee magaalada Bujumbura.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta xukuumadda iyo mucaaradka kasoo horjeeda ayaa waxaa u dhexeeya is-ugaarsi, iyadoo tiro ka mid ah labada dhinac weerarro si gaar ah loola eegtay lagu dilay, waxaana xiisadda dalkaas ka taagan walaac ka muujisay Beesha Caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya