4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
Turkiga oo ka digay xayiraadaha ay dowladda Ruushku doonayso inay ku soo rogto dalkooda


Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Turkiga ayaa maanta ka digay xaryiaadaha Ruushku uu doonayo inuu waddankeeda kusoo rigo, kaddib markii Ruushku ay ku goodisay maalin ka hor inay aar-gudasho ahaa xayiraad dhaqaale ugu soo rogi doonto Turkiga; taasoo u ah jawaab diyaaraddii ay Turkigu kasoo rideen Ruushka Salaasadii lasoo dhaafay.

Ruushka ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay xanibaado kusoo rogi doonto cuntada uu Turkiga u dhoofiyo dalkooda maalmo gudahood, xilli ay kordhisay baaritaannada cun-nooyinka beeraha kasoo go’a ee uga yimaada dalka Turkiga.

Sidoo kale, wasiirka beeraha dalka Turkiga, Faruk Celik ayaa sheegay in aar-gudasho kasta oo ganacsi oo dalka Ruushku ay ka sameyso diyaaraddii uu Turkiga soo riday ay dhaawac xooggan gaarsiin doonto beeraleyda waddanka Ruushka.

“Marka aad fiiriso tirada waxyaabaha lasoo dhoofiyo iyo kuwa la dhoofiyo, way caddahay in tallaabo kasta oo aan wanaagsanayn ay u saameyn doonto midda beeraleyda Turkiga ku yeelan doonto beeraleyda dalka Ruushka. Sidaa awgeed, arrintaan waa in loola macaamilaa si deggen. Waa inaan diyaaradda lasoo riday diirradda saarnaa oo aan dhibaatada dhinacaas ka eegnaa. Tan ayaa ah habka ugu habboon ee lagu joogteyn karo danaha labada waddan,” ayuu yiri Celik oo warfidiyeenka kula hadlayay caasimadda Turkiga ee Ankara.

Faruk Celik ayaa intaa ku daray in Turkiga aysan weli go’aan rasmi ah oo xanibaad ah ka helin Ruushka. Isagoo ka digay inay tahay khalad in xiisadda ka dhex-oogan Ruushka iyo Turkiga ay saameyso beeraha, ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale ee labada dal.

Dhanka kale, madaxda caalamka ayaa labada dal uga digay inaysan sii xumeeyn xiisadda. Laakiinse way caddahay in Ruushanku ay dooneyso inay dhaqaale ahaan u ciqaabto dalka Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha waddanka Ruushka, Dmitry Medvedev ayaa ku amray dowladdiisa inay qaaddo tallaabooyin ay ka mid yihiin hakinta mashaariicda sida wadajirka ah labada wadan uga dhexeeya iyo yareynta cunnooyinka uu Ruushku Turkiga ka soo dhoofsado.

Muranka u dhexeeya dalka Turkiga iyo Ruushka ayaa sidoo kale hakad ku keenay heshiis cusub oo dhoofinta qamadiga ah oo dhex mari lahaa dalka Ruushka oo ah dalka soo saara qamadiga ugu badan dunida iyo Turkiga oo ah kan ugu iibsiga badan qamadiga Ruushka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Ruushanka, Vladimir Putin ayaa waxaa suuro-gal ah inay wadahadallo ku yeeshaan kulan madaxeedka cimilada adduunka oo tododbaadka soo socda ka dhaci doona magaalada Paris, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Turkigu sheegeen, laakiin ma jiro waqti rasmi ah oo loo qabtay kulankan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya