4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
FAAHFAAHIN: Dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay iyo RW Soomaaliya oo kusoo laabtay Muqdisho


Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Ugu yaraan siddeed ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, halka tiro ka badan 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal dib uga qarxay manta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaasoo u dhexeeyay ciidanka Galmudug iyo kuwa Puntland, kuwaasoo muddo toddobaad ah isku hor-fadhiyay bartamaha degmada Gaalkacyo.

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in xaaladdu ay degen tahay, inkastoo ay is-fadhiyaanl weli ciidamada dagaalku u dhexeeyo; waxaana sidoo kale maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo wafdigiisii oo isku maray shalay Cadaado iyo Garoowe.

Sidoo kale, goob-joogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegaya in mararka qaar la maqlayo rasaas goos-goos ah oo meelaha qaar ka dhacaysa, laakiin uusan jirin xilligan dagaal dhex-maray dhinacyada isku haya maamulka degmadaas.

Iska-horimaadkii sakaay ka dhacay Gaalkacyo ayaa wuxuu ka billowday fariismo ciidanka Puntland ay doonayeen inay ka sameystaan Suuq lagu magacaabo Dar-xumo oo ku yaalla bartmaha magaalada Gaalkacyo, inkastoo is-rasaaseyntu ay barqonimadii maanta si iskeed ah isaga joogsatay.

Dhanka kale, RW Somalia iyo Wafdigiisii ayaa maanta Muqdisho ku soo laabtay, kaddib markii ay xalay kulammo kula yeesheen magaalada Garoowe madaxda Puntland oo uu ka mid yahay madaxweynaha Puntland oo ay kawada hadleen sidii loo joojin lahaa colaadaha ka socda Gaalkacyo.

Sharma'arke ayaa sheegay in mas'uuliyiinta Galmudug iyo Puntland ay isku soo af-garteen inay tagaan magaalada Gaalkacyo si xiisadda colaadeed loo joojiyo, wuxuuna xusay inuu u magacaabay guddi heer wasiir ah xallinta colaadda Gaalkacyo, si dagaalo dambe aysan uga dhicin magaaladaas.

Ugu dambeyn, Tan iyo markii uu dagaalladu ay billowday waxaa soo baxayay baaqyo kala duwan oo lagu joojinayo xabbadda, inkastoo aan weli lagu guuleysan in colaadda ka taagan Gaalckayo la joojiyo.

Si kastaba ha ahaatee, hay'adaha gargaarka QM ayaa maanta billaabay inay Gaalkacyo kala baxaan shaqaalahoodii Soomaalida iyo Ajnabiga isugu jira, si aysan colaadaha Gaalkacyo ka socda aysan saameyn ugu yeelan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya