4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
SAWIRRO: Danjiraha Somalia ee South Africa oo laga Gudoomay Warqadihii aqoonsiga safiirnimo


Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jecob Zuma ayaa waraaqihiisa aqoonsi danjirnimo ka gudoomay danjiraha Somalia u fadhiya dalkaas, Jamal Maxamed Barrow.

Zuma ayaa aqalka madaxtooyada dalkiisa kaga guddoomiyay safiirrada 15 waddan oo ay Somalia ku jiro warqadaha aqoosniga danjirenimo; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Canada, Malaysia, Panama, Zambia iyo Falastiin.

Danjire Baroow oo si weyn ugu dhex-muuqday safiirrada kale ayaa markii uu waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbinayay madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa xusay inuu salaan iyo dhambaal inuu uga sido madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna intaas ku daray safiirku inay Soomaaliya abaal lama illaawaan ah u gashay dalka Koonfur Afrika xilliyadii midab-takoorkii ka jiray Koonfur Afrika.

“Waxaan salaam iyo dhambaal kaaga wada madaxweyne Xasan Sheekh, waxaan Koonfur Afrika garab-taagnenyn xilliyadii xuriyad-doonka ay ku jirtay 1970-yadii illaa 1980-yadii, sidaad la socoto Somalia hadda way kasoo ka baxayasaa dhibaatadii gaartay; iyadoo garab ka hashay idowga Afrika, waxayna u baahan tahay in la garab-qabto, waxaan aad ugu faraxsan nahay in aan kuusoo gudbiyo aqoonsigayga safiirnimo,” ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa dhankiisa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabilaadda safiirrada cusub; isagoo sheegay in dowladdiisa ay soo dhaweynayso danjirayaasha ayna la shaqeyn doonto.

Sidoo kale, Zuma ayaa khudbad uu jeediyay wuxuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin; dhibaatooyinka bay’ada, qulqulka qoxootiga, midnimada Afrika iyo ciidammo ay Afrika yeelato, kuwaasoo loogu talo-galay inay ka hortagaan wadamada ay ka dhacaan colaaduha, isagoo intaasi raaciyay in Koonfur Afrika ay dhawaan u soo xirtay tababar ciidamadii ugu horreeyay ee Afrika ka socday. Wuxuuna sidoo kale ka hadlay shirka Shiinaha iyo Afrika oo bisha December lagu wado inuu ka dhaco magaalada Johannesburg.

“Mudanayaal Kusoo dhawaada Koonfur Afrika waan wada-shaqeyn doonnaa iyadoo la tix-gelinaayo heshiisyada iyo wada-shaqeynta dalalka aad matashaan ee xushmadda iyo wada-shaqeynta ay naga dhexeyso,” ayuu yiri Jacob Zuma.

Ugu dambeyn, danjire Jamaal Barroow ayaa ka mid ahaa danjirayaal ay dowladda Somalia ay u magacowday dalalka caalamka qaarkood, waana safiirkii labaad oo Soomaaliya ay u magacowdo dalka Koonfur Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo dalkaas ku haysta ganaciyo kala duwan, lana kulma dilal iyo dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhac ay u geystaan kooxo burcad ah.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
E-mail:
Cumar065@hotmail.com
Johannesburg, Koonfur Afrika