4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
Shirkad ka shaqeyn doonta nadaafada degmada Kismaayo oo maanta la daah-furay [SAWIRRO]

Sabti, November 28, 2015 (HOL) —Munaasibaddan oo ahayd mid lagu daahfurayay shirkad cusub oo lagu magacaabo Waamo taa oo ka shaqeyn doonta howlaha nadaafadda ee degmada Kismaayo ayaa waxa ay ka dhacday Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo, ayadoo ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan maamulka Jubaland.

Ugu horeyn waxaa munaasibadda ka hadlay  maamulaha shirkadda Waamo Max'ed Axmed Kaahin kaa oo sheegay in ujeedada ay shirkaddan u aasaaseen in ay tahay sidii ay usoo celin lahaayeen bilicda magaalada islamarkaana ula dagaalami lahaayeen nadaafad darrida oo uu sheegay in ay horseedi karto dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah.

Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid C/laahi Gooni iyo kan degmada Kismaayo mudane Ibraahim Max'ed Yuusuf (Timajilic) ayaa iyaguna aad usoo dhaweeyay shirkadda Waamo oo ay sheegeen in ay tahay mid loo baahna ayna muhiim tahay in si wadajir ah la isaga kaashado nadaafadda deegaanka.

Ugu danbeyn waxaa madasha soo xiray wasiir kuxigeenka caafimaadka Jubaland Mudane Caydiid Suleybaan Xaashi kaa oo sheegay in ay la shaqeyn doonaan shirkaddan ka shaqeyn doonta nadaafadda deegaanka, isagoo xusay in sidoo kale barnaamijkani uu shaqo abuur u yahay dhalinyarada deegaanka.

Waamo Sanitation Company ayaa la filayaa in ay magaalada ka nadiifin doonto qashin badan oo yaal qeybo ka tirsan xaafadaha magaalada, kaa oo dhaqaatiirtu ay hore uga digeen in uu sababi karo dhibaatooyin caafimaad.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya