4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo looga Adkaay Kulankii Saddexaad ee Koobka CECAFA


Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Xulka Qaranka Somalia ayaa mar saddexaad looga adkaaday ciyaaraha koobka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA, waxaana ciyaartii ugu dambeysay oo shalay dhacday oo ay la yeesheen xulka Rwanda looga adkaaday 3-0.

Cayaartooyda Somalia ayaa qeybtii hore ee cayaarta soo bandhigay cayaar aad u wanaagsan, balse waxay khasaariyeen fursado badan, inkastoo aysan u suuro-gelin inay wax gool ah dhaliyaan.

Qaybta hore ee cayaarta ayaa waxaa ayaa lagu nastay 1-0 uu xulka Rwanda ku hoggaami-nayay cayaarta. Balse markii la isugu soo laabtay ciyaarta ayaa waxaa laba gool oo kale dhaliyay xulka Rwanda.

Natiijada ciyaarta ayaa waxay noqotay 3-0, looga adkaaday Somalia, iyadoo ay tani noqo-nayso cayaartii labaad oo muddo isbuuc gudihiis ah looga badiyo Somalia, waxaana horay uga soo badiyay xulalka Tanzania iyo Itoobiya oo ay ku wada jiraan Group A.

Somalia ayaa waxaa horay looga badiyay 2-0 iyo 4-0 oo ay uga kala badiyeen xulalka Itoobiya iyo Tanzania, waxaana Somalia ay qaybta ugu hooseysa uga jiartaa guruubka ay ku jirto.

Ugu dambeyn, guul-darrooyinkan is-daba-jooga ahaa ayaa waxa keeneen in xulka Somalia ay isaga harto cayaarta koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyadoo xulka Soomaaliya ay waayadii dambe guul-darrooyinku u ahaayeen kuwo ay iska soo xaabsato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya