4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
Dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug oo mar kale ka Qarxay Gaalkacyo


Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, tiro ka badan shan qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya Puntland iyo Galmudug ayaa saaka marka kale dib uga qarxay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka billowday barta kala qaybsai labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo, waxaana dadku ay sheegayaan in dagaalkan uu yimid kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa Puntland ay gudaha u galeen suuqa kala qaybiya labada maamul si ay fariisimo uga sameystaan.

Gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn looga maqlayaa rasaasta, sida ay ku soo warramayaan dadka ku sugan magaaladaas, inkastoo inta badan xaafadaha magaaladaas laga barakacay, iyadoo laga baqdin qabo inay dagaallo dhawacaan.

“Wuxuu dagaalku ka socdaa suuqa Darxumo, mana ahan mid xooggan; laakiinse waxaa laga yabaa inuu sii xoogeysto, waxaana ku dhintay illaa hadda saddex qof sida aan maqa-shiisanahay, waxaana ku dhaawacmay shan qof dad ka badan,” ayay yiraahdeen goob-joogayaal kala duwan oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, waxay goobjoogayaashu sheegeen in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan gudaha magaalada Gaalkacyo, baqdin weynna laga qabo inay dagaalo culus dhacaan.

Dhanka kale, dagaalkan dib u qarxay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay uu shalay gaaray RW Somalia Cumar C/rashiid iyo wafdi uu hoggaaminayo Garoowe oo ah xarunta Puntland, si dagaalka loo qaboojiyo.

Wixii kusoo kordha xaaladda magaalada Gaalkacyo waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya