4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2015
Golaha Wasiirrada Somaliland oo Meel-mariyay odoroska Miisaaniyada 2016-ka (SAWIRRO)


Jimco, November 27, 2015 (HOL) — Golaha Wasiirada Somaliland ayaa shalay Ansixiyey oddoroska miisaaniyadda sanadka 2016-ka ee Somaliland.
Shirkii golaha wasiiradda oo uu shirgudoominayey madaxweynuhu ayaa lagu ansixiyey miisaaniyaddda sanadka soo socda ee 2016-ka oo la sheegay inay miisaaniyadii sanadkan ka badan tahay 13%.

War-saxaafadeed ka soo baxay afhayeenka madaxweynaha; Xuseen Deyr ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo ansixinta miisaaniyadda 2016, waxaanu u qornaaa sidan: “Golaha wasiirrada xukuumada Somaliland oo aan u kala hadhin ansixinta Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka.”

Sida ku Xusan Sharciga Maaliyadda Qaranka xeer lambar: 90/96, sida ku cad Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55-aad, farqaddiisa koowaad ee la xidhiidha gudashada waajibaadka arrimaha Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Qaranka; Wasiirka Maaliyadda J.S.L, Zamzam Cabdi Aadan, maanta oo ay taariikhdu tahay 26.11.2015, waxay Shirkii Golaha Wasiirrada hor keentay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka. Shirkan Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, Xubnihii Golaha Wasiirrada ee shirkan goob-jooga ka ahaa ayaa waxa dhammaantoodba loo qaybiyey nuqul ka mid ah Buugga Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2016-ka.

Buugga Odoroska Miisaaniyadda, oo run ahaantii si qoto dheer oo aad u cilmiyaysan loo soo agaasimay, waxa Golaha Wasiirrada si khibrad iyo farshaxanimo leh uga hor akhriyey Wasiirka Maaliyadda Marwo Zamzam Cabdi Aadan, Wasiiru-Dawlihii hore ee Maaliyadda Mudane Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani) iyo weliba koox-dhallinyaro ah oo aqoon-yahanno ah oo ka socday waaxaha miisaaniyada iyo qorshaynta ee wasaarrada Maaliyadda. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Zamzam Cabdi Aadan waxay si qoto-dheer u faah-faahisay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016-ka taasoo ka kooban:

1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe,
2. Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa bannaan ee Dawladda,
3. Miisaaniyadda Dawladda Hoose,
4. Miisaaniyadda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF),
5. Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda (JPLG).

Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadkan 2016-ka ee ay Wasiir Zamzam hor keentay Golaha Wasiirrada waxay ahayd Miisaaniyaddii 24-aad ee uu Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland yeesho, waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sannadka 2015-ka 13% (boqolkiiba saddex iyo toban).

Sidoo kale, Buugga Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadka 2016-ka, waxa la socday Siyaasaddii Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016-ka, oo ay soo diyaariyeen Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka.

Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka, meelaha sannadkan muhimadda gaarka ah la siiyay waxa ka mid ah:

01. Nabadgelyada iyo Garsoorka,
02. Waddooyinka iyo Biyaha,
03. Caafimaadka iyo Daryeelka,
04. Dhallinyarada iyo Shaqo abuurka
05. Dhulka iyo Beeraha,
06. Dhiirri-gelinta Wax soo Saarka Dalka,
07. Tayeynta iyo Fidinta Maamulka,
08. Aqoonsi Raadiska iyo Doorashooyinka,
09. Maal-gashiga,
10. Dakhliga iyo Hantida Dawladda.

Dakhliga Miisaaniyadda Somaliland ee Sannadka 2016-ka:

No

          Hay'adaha                                   

SLSh.

US Dollars

1

Dawladda Dhexe

1,218,000,000,000

203,000,000

2

Hay’adaha Madaxa-bannaan

226,580,189,543

37,763,365

3

Dawladda Hoose

189,609,406,597

31,601,568

4

Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah

109,861,212,000

18,310,202

5

Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta

27,630,234,000

4,605,039

  #

                  Grand Total

1,771,681,042,140

295,280,174


Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Somaliland, iyagoo ka duulaya baahiyaha guud ee uu Qaranku leeyahay iyo meelaha u baahan in la siiyo mudnaanta gaarka ah. Shirkii Golaha Wasiirrada ee 26, 11, 2015-ka, ayaa waxa isaguna hadal waafiya ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Maxamuud Xaashi Cabdi oo 5-tii sano ee ugu dambeeyey ka mid ahaa Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka. Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu si khibrad leh oo qoto-dheer uga sheekeeyey qaabkii iyo hannaankii ay u shaqaynayeen Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranku shantii sano ee ina soo dhaafay iyo sida ay Guddidu mar walba mudnaanta iyo muhimmadda koowaad u siinayeen halka ay ku jiraan danta Qaranka iyo masaaliixda ummaddu. 

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu iftiimiyey in guddida siyaasada Miisaaniyada Qaranku aanay iyagu ahayn kuwa jaan-gooya, qayb-qaybiya, go’aamiya ama u qoondeeya saamiga miisaaniyadeed ee ay wasaarad iyo hay’ad kasta heli doonto. Wasiirku wuxuu sheegay tallaabo kasta oo ay qaadayaan oo khusaysa jaan-goynta Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka, inay marka hore Guddi ahaan si taxadir leh uga baaraan degaan cidda ay saamayn ku yeelanayso. Gabagabadii hadalkiisa Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu Xubnaha Golaha Wasiirrada ku booriyey ina u codeeyaan Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan 2016-ka. 

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo oo isagu khibrad badan iyo aqoon durugsanba u leh arrimaha Maaliyadda iyo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ayaa wuxuu si aad aad u qoto-dheer ula socday sharraxaaddii ay Wasiirka iyo Saraakiishii Wasaaradda Maaliyaddu ka bixinayeen odoroska Miisaaniyadda Somaliland ee Sannadka 2016-ka. Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu xubnaha golaha wasiirrada ka codsaday in loo codeeyo Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee Sanadka 2016-ka kaasoo Wasiir Zamzam Cabdi Aadan ay hor keentay Golaha Wasiirrada.

Kaddibna xubnihii golaha wasiirrada ee shirka goob-jooga ahaa ayaan iyagu guud ahaanba u kala hadhin ansixinta odoroska miisaaniyadda Qaranka Somaliland ee sannadka 2016-ka, dhammaantoodna way u codeeyeen, cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin”.  

Waa miisaaniyaddii ugu horeeyey ee tan iyo intii wasiirnimadda loo magacaabay Samsam Cabdi Aadan golaha wasiiradda hor keento, iyadoo mudaddii ay wasaaraddan joogtay la kulantay carqalado badan oo ay ka mid tahay dagaaladda Yemen oo xaga dhaqaalaha ka soo gaadhay hoos u dhac .

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]      
Hargeysa, Somaliland