4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2015
SAWIRRO: Stockholm oo lagu qabtay shir looga hadlay Waxbarashada iyo Caafimaadka Somalia


Jimco, November 27, 2015 (HOL) —  Waxaa magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden xalay lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka qayb-galeen aqoon-yahanno ka socda Soomaaliya iyo kuwa degen dalka Sweden.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Daladda Isbaheysiga ummadda Soomaaliyeed ee Sweden (SRFS) iyo ururka cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed ee Sweden (Somali-Swedish Researcher’s Association), waxaana lagu marti-qaaday Jaamacadaha Benaadir University iyo Amoud Univeristy. Waxaa sidoo kale door muhiim ah ka qaatay maqaayadda Jubba. 

Intii kulanku socday waxaa lagu lafa-guray waxbarashada iyo caafimaadka Soomaaliya iyo doorka jaamacadaha. Inkastoo ay u badnaayeen Dhaqaatiir iyo howl-wadeenno caafimaad sida; kal-kaaliyeyaasha iyo umuli-sooyinka, haddana waxaa goorta joogay aqoonyahanno badan oo ka socday dhammaan qaybaha kale ee aqoonta iyo shaqada.

Sidoo kale, kulanka ayaa ah kii ugu horreeyay noociisa oo lagu qabto Stockholm, waxaana diiradda lagu saaray sidii aqoon-yahannada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinta waxbaratay ay qayb uga qaadan lahaayeen wax-qabadka dalkooda hooyo ee Soomaaliya. Iyadoo ay ka hadleen kulanka dhallinyaro Soomaaliyeed wax ku bartay dalka Sweden, kuwaasoo isugu jiray dhakhaatiir, injineerro, sharci-yaqaanno iyo kuwo kale; waxayna gabi ahaantood soo dhaweeyeen madaxdii jaamacadaha iyo weliba xubnaha kale ee ka tirsan dowladda FS.

Kulanka oo uu furay guddoomiyaha ururka SRFS, C/casiis Cali Geeddi, daadihiyana uu ka ahaa, Dr. C/llaahi Cilmi Maxamed (Asad) oo ka socday guddigii soo agaaasimay kulankan. Waxaana kaloo ka hadlay Dr. Abuukar Warsame oo ka warbixinta arrimaha waxbarashada dalka Sweden. Prof. Khaliif Bile Maxamuud oo ah khabiir weyn oo dhinaca caafimaadka ah ayaa isna ka warbixiyay dadaalka cusub ee la rabo in la isku xiro jaamacadaha Somalia iyo jaamacadaha dalka Sweden, gaar ahaan kulammadii ka dhacay jaamacada Umeå oo ku taalla dalka Sweden.

Dr Yacquub Aadan ayaa wuxuu ka warbixiyey isagana mashruuc caafimaad oo uu ka wado magaalada Boorame iyo guud ahaan howlaha cudurrada dhimirka. Sidoo kale, Prof. Cabdi Jaamac Geedi oo ah hormuudka kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Banadir ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhashay suntii lagu aasay badaha Soomaaliya.

Waxaa kaloo kulankaan hadallo macluumaad badan huwan kasoo jeediyay, Prof. C/rashiid Sheekh Ibraahim oo ka socday Jaamacadda Camuud, kulliyadeeda caafimaadka, kaasoo ka warbixiyay in jaamacadda Camuud ay tahay mida keliya ee leh kuliyad lagu barto aqoonta caafimaadka ilkaha. Sidoo kale waxaa isna warbixin kasoo jeediyay kulanka Prof. C/risaaq Dalmar oo ah guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, wuxuuna soo bandhigay sidii ay markii hore jaamacaddu ku billaabantay iyo inay soo saarto tirada ugu badan ee dhakhaatiirta hada ka howlgala Soomaaliya, iyadoo weliba leh 11 kuliyadood. Sidoo kale, Prof. Dalmar ayaa soo dhaweeyay dhallinyarada raba inay Somalia u yimaadaan sidii ay u caawin lahaayeen dadkooda qaybna uga qaataan howlaha caafimaadka.

Dhanka kale, waxaa hadallo qiimo badan soo jeediyey Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah aasaasayaashii Jaamacadda Banaadir, Isla markaana ah dhakhtar ku guuleystay billado ayaa ka warbixiyay ahmiyadda jaamacadaha iyo dhibaatooyinkii ay lasoo kulmeen, tusaale ahaan qaraxii hoteel Shaamow oo uu goor-joogka ahaa. Prof. Cismaan Dufle oo ah xilhdibaan ayaa guddoomiye u ah guddiga adeegga bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa ku dhiirri-geliyay dhallinyarada inay dalkooda wax taraan oo ay aqoontooda gaarsiiyaan dadkooda u baahan, isagoo ballan-qaaday in lasoo dhaweyn doono.

Prof. C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocow) oo ka mid ahaa macalimiintii Jaamacadii ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr, isla markaana xilligan wasiir-u-dowlaha wasaaradda qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah ee Somalia ayaa ku dheeraaday Jaamacadaha iyo wax-tarkooda iyo qorshaha ay xukuumadda federaalka Soomaaliya u dajinayso in ay ku nidaamiso tayada waxbarashadooda. Wuxuu kaloo uu ku dhiirri-geliyay aqoonyahanada isugu yimid kulanka kulanka in loo istaago sidii dalka loo caawini lahaa. Caawinadda ugu weynna ay tahay inay kusoo noqdaan dhallinyaro aqoon leh.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka la isku dhaafsaday doodo aad u wanaagsan oo ku saabsanaa sidii loo horumarin lahaa arrimaha waxbarashada iyo caaafimaadka Soomaaliya. Waxaana lagu go’aansaday in sannad walba la qabto kulamo joogto ah oo looga hadlayo arrimaha waxbarashada  iyo caafimaaadka ee Soomaaliya, iyadoo lala kaashanaaya jaamacadaha Soomaaliya ku yaalla.

C/llaahi Cilmi Maxamed
E-mail:
[email protected]
Stockholm, Sweden