4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2015
Booliiska Baladweyne oo sheegay inay qabteen 4-qof oo ay ku jirto Haweeney Ninkeedii Sumeysay


Jimco, November 27, 2015 (HOL) — Saraakiisha ciidanka booliiska degmada Beledweyne ee xarunta golka Hiiraan, ayaa maanta sheegay inay gacanta ku dhigeen afar ruux oo ay ka mid tahay haweenay seygeeda [Ninkeeda] dishay kaddib markii ay sumeysay.

C/qaadir Maxamed Axmed oo ka mid ah saraakiisha booliska Baladweyne ayaa sheegay in la qabtay haweeney oo 25-kii bishan saygeeda ku dishay xaafada Holwadaag ee magaalada Beledwyene, kaddib markii ay sun ugu darrtay baasto uu cunayay.

Sarkaalka ayaa intaa ku darray in siddoo kale ciidammada qabteen qof kale oo dumar ah oo iyana qorsheyneysay in ay disho ninkeeda iyo labo rag ah oo uu sheegay in ay la socdeen qorshaha haweenkan la qabtay.

Sarkaalka u hadllay ciidamada booliiska Baladweyne ayaa intaa ku daray in la hor-geynayo afartaan ruux maxkamad si sharciga loo waafajiyo.

Ugu dambeyn, dhawaan ayay aheyd markii xaafada Xaawo-taako ee degmada Beledweyne ay haweeney ku dishay ninkeeda, kaddib markii ay ku dhuftay tooreey ama bilaawe, taasoo oo uu u geeriyooday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya