4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2015
Turkiga oo Shaaciyay inuu si KMG ah u Hakiyay duqeymihii Suuriya ee dhanka ka ahaa DAACISH


Jimco, November 27, 2015 (HOL) — Turkiga oo xubin ka ah is-bahaysiga NATO ayaa si KMG ah u hakisay duqeymihii cirka ahaa ee ay ku bartilmaameedsanaysay kooxda ISIS ee gudaha dalka Suuriya, kaddib markii ay toddobaadkan ay Turkigu soo rideen mid ka mid ah diyaaradaha dagaal Ruushka, taasoo dhalisay muran soo dhex-galay dalalka Turkiga iyo Ruushka.

Diiyaaradaha dagaalka F-16 ee Turkigu leeyahay ayaa Axaddii lasoo dhaafay ku soo riday meel ku dhow xadka ay la leeyihiin dalka Suuriya diyaarad dagaal oo uu Ruushku lahaa, iyadoo xukuumadda Moscow ay Khamiistii shalay ahayd ku martay wacad inay qaadayso tallaabooyin ay kaga aargudanayso Turkiga, taas oo ah inay cunno-qabateyn kusoo rogeen.

Xukuumadda Turkiga oo qayb ka ah howlgallada uu horkacayo Mareykanka ee ka dhanka ah kooxda ISIL ayaa sheegtay Jimcaha maanta ah inay si KMG ah u hakiyeen duqeymihii ay ka geysanayeen Suuriya, si looga fogaado qalalaase dheeri ah.

“Turkiga iyo isbahaysiga duqeynta ka wada Suuriya ayaa ayaa ku heshiiyay in si taxaddar leh loo dhaqmo inta la billaabayo wadahadal lagu qaboojinayo xiisada u dhexeysa Turkiga iyo Ruushka,” ayaa lagu sheegay warbixinta saraakiisha.

Balse, hoggaamiyeyaasha xukuumadda Turkiga ayaan weli wax warbixin ah ka soo saarin tallaabada maanta lagu hakiyay duqeymihii Turkigu waday ee dhanka ka ahaa Kooxda IS ee saldhigyada ku leh gudaha Suuriya.

Dhanka kale, soo ridistii diyaaradii dagaal ee Ruushanka ayaa waxay dhalisay inuu dhasho khilaaf labada dal u dhexeeya, iyadoo madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin uu ka dalbaday madaxda dalka Turkiga inay raalli-gelin ka bixiyaan falkii ay diyaaraddooda kusoo rideen.

Laakiise, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka jawaabayay hadalka Putin ayaa sheegay in Turkiga aysan raalli-gelin ka bixinayn diyaaradii ay kasoo rideen Ruushka, taasoo uu sheegay inay kusoo xad-gudubtay hawadooda.

Ugu dambeyn, Erdogan ayaa hadalkiisa ku xusay in haddii ay ogaan lahaayeen in Ruushku diyaaraddan leeyihiin aysan siin lahayn diniinihii ay siiyeen, balse ay digniin ka duwan siin lahaayeen, taasoo uusan sharraxaad dheeri ah ka bixin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya