4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2015
Ciidamada dowladda Somalia oo howl-gal ka sameeyay Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan


Jimco, November 27, 2015 (HOL) — Ciidanka dowladda Somalia ayaa howl-gal ballaaran oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan deegaanka Halgan, gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in ay ku dilleen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka ammaanka iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in dagaalyahannada la dilay uu ka mid ahaa sarkaal muddo dheer ay ciidammada ku raad joogeen.

“Howlgalka ay sameeyeen ciidammada dowladda waxaa uu dhacay habeen ka hor, ragga la dilay waxaa ka mid ahaa sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo muddo lagu raad-joogay," ayuu yiri Maxamed Ibraahim.

Waxaa uu intaa ku darray in ka hor sanadka 2016-ka loo baahnaa Al-shabaab in laga saaro deegaannada gobolka Hiiraan oo idil, balse arrintaa aysan suuro-gelin sababo lagu sheegay inay inay la xiriiraan roobab ka da'aya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, Inkastoo Al-shabaab laga saaray inta badan degmooyinka Gobolka Hiiraan dhinaca kale waxaa jirra  deegaanno ay wali maamulaan taa oo caqabad ku ah isku socodka dad iyo gadiidka isaga tallaaba degmooyinka ay dowladda maamusho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya