4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2015
BURUNDI: Xayiraadda Mareykanku uu saarayo Mas’uuliyiinteena waa mid u muuqata fadeexeyn


Jimco, November 27, 2015 (HOL) — Kaaliyaha Madaxweynaha Dalka Burundi ayaa ku tilmaamay xayiraada uu Mareykanku sheegay inuu kusoo rogayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo kuwo horay dalka ugu soo shaqeeyay ay tahay fadeexad iyo olole lagu afla-gaadeynayo dalalka Afrika.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Isniintii lasoo dhaafay sheegay in xayiraado lagu soo rogi doono afar ka tirsan mas’uuliyiinta waddanka Burundi kuwaasoo oo qaarkood dowladda ka tirsan iyo kuwo xilal soo qabtay, kuwaasoo ay ka mid yihiin; wasiirka amniga dadweynaha iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Burundi.

Mas’uuliyiintan ayay xukuumadda Mareykanku sheegay inay qaban-qaabiyeyaal ka yihiin rabshadaha ka socda Waddankaas, kuwaas oo haatan laga baqdin qabo in ay isku bedelaan dagaallo sokeeye oo uu xasuuq ba’an ka dhasho.

“Xayiraad lagu soo rogo kuwii ka hortagay afgabigii dhicisoobay ee dalkeenna ka dhacay bartamihii sannadkan waa arrin fadeexad iyo argagax leh,” sidaa waxaa war-fidiyeenka u sheegay Khamiistii shalay ahayd la-taliyaha dhanka warfaafinta ee madaxweynaha dalka Burundi, Willy Nyamitwe.

Willy Nyamitwe ayaa intaas ku daray. “Haddii tallaabadan lagula kaco Burundi, waxay la micno noqonaysaa olole la doonayo in lagu taageero kuwa sumadda ka dilaya dalkeenna.” Isagoo ku cambaareeyay ergayga Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Samantha Power inay ka dambeyso arrimahan oo dhan.

Mareykanka iyo dalalka deeqaha bixiya ayaa kasoo horjeestay go’aankii uu isugu sharaxay mar saddexaad madaxweynaha Burundi hoggaanka waddankaas, taasoo ay ku sheegeen in ay tahay mid uu ku carqaladeynayo Dastuurka dalkaas oo la dajiyay markii lasoo af-jaray dagaalkii sokeeye ee dalkaas 2005-kii, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 300,000 oo qof.

Dhanka kale, ergayga Mareykanka ee gobolka harooyinka waaweyn ee Qaaradda Afrika, Thomas Perriello ayaa isagana dhankiisa ka digay in Burundi ay ku socoto jidkii dagaalka sokeeye iyo xaquuq dalkaas ka dhaca.

Ugu dabmeyn, tan iyo markii rabshaduhu ka billowday dalka Burundi ayaa waxaa ku naf-waayay in ka badan 240-qof oo rayid u badnaa, kuwaasoo siyaabo kala duwan loogu dilay qaybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Bujumbura.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya