4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2015
Ergayga QM ee Soomaaliya Walaac ka Muujiyay dib u soo Laabashadii Falalka Burcadbadeedda


Jimco, November 27, 2015 (HOL) — Ergayga QM ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay shalay oo Khamiis ahayd afduubka Markab sitay calanka dalka Pakistan oo ay burcad-badeed Soomaaliyeed toddobaadkan ku afduubeen badda weynta Hindiya.

Danjire Nick Kay ayaa walaac xooggan ka muujiyay afduubka maraakiibta ee dib ugu soo laabtay xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo ay geysanayaan burcadbadeedda, xilli uu hoos-u-dhacay afduubka maraakiibta saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

“Iyadoo dhawaanahaan aan lasoo sheegin kalluumeysiga aan sharci-darrada ah ee xeebaha Soomaaliya, waxaan si aad ah uga walaacsanahay dib u soo noolaashaha afduubyadii falka burcad-badeedda Somalia ay maraakiibta ku afduubanayaan,” ayuu yiri Danjire Nick Kay oo intaas ku daray inay cambaareynayaan wax walba oo dambi badeed ah.

Sidoo kale, wuxuu hoosta-ka-xariiqay in burcadbadeednimadu ay caqabad weyn ku noqon karto horumarka ay Somalia ku tallaabsanayso, kaddib labaatameeyo sannadood oo ay ka jireen Soomaaliya colaado sokeeye.

“Inkastoo aan cambaareynayo fal dambiyeedkan. Haddana maraakiibta kalluumesyiga ee caalamka waxaan ku boorrinayaa inay u hoggaansamaan sharciyada dowladda Soomaaliya ee dhanka kalluumeysiga, isla markaana aanay xadgudub ku sameyn xeebaha Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Nicholas Kay.

Markab sitay calanka dalka Pakistan oo ay saarnaayeen 15-shaqaale ah ayay ku afduubeen burcadbadeedda Somalia, kuwaasoo ku weeraray kuna afduubay biyaha ka baxsan xeebaha Somalia gellinkii dambe ee Axaddii lasoo dhaafay.

Burcadbadeedda Soomaaliyeed ayaa waxay markabka ay afduubeen waxay ku qasbeen in uu ku xiro xeebta Deegaanka Ceel-huur ee Bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ah Xarunta burcad-badeedda Soomaaliya.

Dhanka kale, burcadbadeedda Soomaaliya ayaa maraakiibta ay afduubka ku qabsadaan iyo shaqaalaha saaran waxay ku dalbadaan madax-furasho lacageed oo malaayiin doollar ah si ay ugu sii daayaan.

Ugu dambeyn, xeebaha Somalia ayaa waxay ahaayeen kuwa ugu khatarta badan caalamka oo dhan sannadkii 2011-kii, xilligaas oo af-duub ahaan ay ugu qabsadeen burcadbadeedda ah maraakiiib fara badan iyo boqolaal ka mid ah shaqalihii la socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya