4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2015
Wafdi uu Hoggaaminayo RW Somalia oo Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud


Jimco, November 27, 2015 (HOL) — Wafdigii uu hoggaaminayay RW Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo xarun u ah maamulka KMG ah ee Galmudug.

RW Sharma’arke ayaa Cadaado kula kulmaya madaxda maamulka Galmudug, isagoo kala hadli doona sidii loo xallin lahaa xiisada dagaal ee weli ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xubnaha RW Somalia safarkiisan waxaa ku wehlinaya; xildhibaanno iyo wasiirro, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay soo af-jaridda xiisada u dhaxeysa maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale, RW Sharma’arke iyo wafdigiisa ayaa marka ay dhameystaan kulammada ay la leeyihiin mas’uuliyiinta maamulka Galmudug waxay u gudbi doonaan Gaalkacyo oo u ah xarun gobolka Mudug, halkaasoo ay uga sii gudbi doonaan magaalada Garoowe oo xarun u ah maamulka Puntland.

RW Cumar ayaa lagu wadaa inuu Gaalkacyo kula shiro mas’uuliyiinta maamullada halkaas isku haya, inkastoo shalay uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Gaalkacyo, kaddib markii safarkiisa ay hor-joogsatay Puntland oo sheegtay inaanu u wadin wax xal ah.

Dowladda fedeaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirtay tan iyo markii uu billowday dagaalkii todobaadkan degmada Gaalkacyo ku dhexmaray maamulada dariska ah, kuwaas oo ku murmay waddo laami ah oo ay dhisaysay Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa weli ka taagan xiisad sababtay inay shacabkii ku noolaa xaafadaha degmadaas ay intooda badan guryahooda ka barakaceen, iyagoo ka baqdin qaba dagaallo mar kale ka dhaca degmadaas.

Ugu dambeyn, inkastoo dadaal lagu qaboojinayo xiisadda dagaal ay qaybtii ugu horreysay maanta billaabatay ayaa hadddana waxaan la ogeyn sida xaalku noqon doono, maadaama labada dhinac ay weli eedeymo isku jeedinayaan.

Wixii kasoo kordha safarka RW Somalia iyo wafdigiisa waxaad kula soconaysaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya