4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2015
VLADIMIR PUTIN: Turkiga kama helin raalli-gelin ku saabsan diyaaraddii ay naga soo Rideen


Khamiis, November 26, 2015 (HOL) — Madaxweynaha waddanka Ruusha, Vladmir Putin ayaa maanta sheegay in Turkiga aysan weli raallin-gelin ah ka siin diyaaraddii ay maalmo ka hor kasoo rideen, isagoo hoosta ka xariiqay in wax lala yaabo ay tahay in duuliyaheenna dhintay iyo diyaaraddii ay naga soo rideen ay madaxda Turkigu ku doonayaan inay xiriirkii adkaa ee ay la lahaayeen Ruushku ku jaraan.

Turkiga ayaa Talaadadii lasoo dhaafay soo riday diyaarad kuwa dagaalka ah oo Ruushanku uu leeyahay, taasoo nooceedu ahaa SUKHOI-24, kana mid ahayd diyaaradaha duqeymaha ka wada Suuriya, waxaana dhintay mid ka mid ah laba duuliye oo diyaaraddaas saarnaa.

“Weli kama aanan maqal wax cudur-daar ah oo nooga yimid mas’uuliyiinta saree ee dalka Turkiga. Sidoo kalena ma jirto wax ballan-qaad ah oo ay ku sheegayaan inay ciqaabayaan ciidamadii diyaaradeena soo riday,” ayuu yiri Vladimir Putin oo intaas raaciyay. “Haddii hoggaamiyeyaasha Turkiga ay ku heshiiyeen in falkii ay diyaaradeenna kusoo rideen ay ku jaraan xiriirka naga dhexeeya, taasi waa mid laga xumaado.”

Putin ayaa mar kale yiri. “Falkii laba casho ka hor oo Turkigu diyaaradeenna oo maraysa gudaha Suuriya kusoo rideen, ma ahan wuxuu sharciga caalamiga ah qabo, waayo waxaa diyaaraddeenna lasoo riday iyadoo ku socota hawada Syria.”

Sidoo kale, mas'uuliyiinta Ruushanka ayaa waxay sheegeen inay ka xun yihiin sharraxaad la’aanta xukuumadda Turkiga ee ku aaddan falkii diyaarada ay ku soo rideen, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay mid lagu dabrayo qorshaha ay kula dagaalamayaan argagaxisada.

“Falkani wuxuu iila muuqdaa qorshe dowladda Turkigu ee falkii dhacay iyo raalli-gelin ka bixin la’aantooda mid ay ku difaacayaan argagaxisada gobolka ee aan dagaalka kula jirno,” ayuu mar kale yiri Vladimir Putin.

Dhanka kale, Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradda Ruushka ee SU-24 ee ay soo rideen ay kusoo xad-gudubtay hawadooda, ayna dhowr jeer digniino siiyeen, balse ay iska dhiga-tirtay, ayna diyaaradahooda noocoodu yahay F-16 ay soo rideen.

“Waxaan rumeysanahay in dalalka caalamka qaarkood ay taageero toos ah siiyaan kooxaha argagaxisada ah. taaasoo qayb ka ah waxyaabihii ay ku abuurantay kooxda ISIS oo dunida oo dhan ay maanta ka cabanayso dhibaatadooda,” ayuu ku daray Putin hadalkiisa.

Hoggaamiyaha dalka Ruushka ayaa mar kale yiri. “Isku-day walba oo looga hor-tagayo in argagaxisada la laayo iyo ciddii taageero siisaba, waxaa loo qaadanayaa inay ka mid tahay argagaxisada dambiilayaasha ah.”

Madaxweynaha Ruushka ayaa hadalkiisa raaciyay in loo baahan yahay in waddamada la dagaalamaya aragagaxisada ay sameystaan isbahaysi mid ah, ayna taageero u muujiyaan howlgallada uu Ruushku kawado dalka Suuriya.

“Waxaan rajeynayaa in waddamada dunida ee ay dhabta ka tahay inay iska qabtaan arga-gaxisada caalamiga ah ay sameystaan isbahaysi mideysan oo leh ciidammo awood badan, ayna taageeraan howlgallada Ruushka ka waddo dalka Suuriya,” ayuu hadakliisa ku daray Vladimir Putin oo xusay in arrintaas ay isku waafaqeen 15-dal oo isbahaysi la ah Ruushka.

Ugu dabmeyn, Vladimir Putin ayaa ku baaqay in loo midoobo wuxuu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ah ee dunida ka jira, sida kuwa Masar, Nigeria, Mali iyo kuwii ka dambeeyay dhacdooyinkii diyaaraddii Ruushka ee Masar lagu soo riday iyo sidoo kale kuwii weeraray Paris.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya