4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2015
Pope Francis oo Maanta ugu baaqay Muslimiinta iyo Kirishtanka Kenya inay Wada-shaqeeyaan


Khamiis, November 26, 2015 (HOL) — Baadariga ugu sarreeya madhabta Roman Catholic ee diinta masiixiga ayaa maanta hoggaamiyayaal muslimiin iyo kirishtaan ah xarunta dalka Kenya ee Nairobi ugu sheegay inay wada-hadlaan si ay mayal-adeegnimada iyo ficilada ku dhisn rabshadaha ay isaga ilaaliyaan.

Isagoo ka hadlay kulan diimeed ka dhacay safaaradda Vatican ee magaalada Nairobi ayuu Pope Francis wuxuu sheegay in wada-hadalka diimaha uu yahay muhiim ee aanu ahayn ikhtiyaar.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay rabshado dhowr ahaa oo ka dhacay Kenya sida; weerarradii Jaamacadda Gaarisa iyo Suqua Westgate oo boqolaal qof lagu dilay, kuwaasoo ay kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya sheegatay.

Pope Francis oo booqasho ku maraya dalal Afrika ka tirsan ayaa la filayaa inuu booqdo xerooyin qaxooti iyo masjiddo ku yaalla dalka Jahuuiryada Bartamaha Afrika oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta ku nool dalkaas.

Xalinta khilaafyada muslimiinta iyo kirishtaanka waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ujeedooyinka safarka uu Pope Francis ku tagayo dalal ka tirsan kuwa Qaaradda Afrika ku yaalla.

XIGASHO: VOA SOMALI