4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2015
Khilaaf adag oo soo dhexgalay Xisbiga UCID iyo Hogaankiisa oo dhaliilo isku mariyay Saxaafada


Khamiis, November 26, 2015 (HOL) — Musharax madaxwayne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay khilaafka xisbigooda ka dhex-jira, isla markaana ku eedeeyey gudoomiyaha xisbiga inuu sabab u yahay khilaafkaasi.

Jamaal ayaa sheegay in murrashaxnimadiisa ay ansixiyeen golaha dhexe ee xisbiga, ayna waraaqdii uu guddoomiyuhu arrintaasi ku saxeexay ay xafiisyada xisbiyada ee arrimahan khuseeyaan yaallaan.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii gudoomiyaha xisbiga UCID shaaciyey in lagu tartami doono musharaxnimadda, isla markaana cid walba u furantahay musharaxnimada taas oo keentay inuu markiiba Jamaal ka jawaabo.

“Sida guddoomiyuhu yiri waxaa lagu samaynay xisbiga qiimeyn mar kale ayaana dib loogu tartamayaa taasi waa waali cas, xisbiga UCID tartan buu soo gallay kalfadhigii xisbiga gudoomiyaha ayaa saxeexay, waxaanu u kala diray oo waraaqahaasi yaallaan Komshanka doorashooyinka, xeer-ilaalinta, guddiga diiwaan-gelinta, guddoomiyaha ayaana saxiixay,” ayuu yidhi Jamaal oo qoonsoday hadal uu siiyey gudoomiyaha xisbigu warbaahinta.

Waxaanu Jamaal intaas ku daray “Kalfadhiga xiligaasi la qabtay qodobad ugu weyn ee lagu ansixiyey waxa ka mid ahaa heshiishka labadda garab, waxa kale oo lagu ansixiyey musharaxiinta madaxtooyada uga qaybgali doonta xisbiga, marka shirweynihii golaha dhexe ee qodobadaasi ansixiyey inuu warbaahinta ka yidhaahdo waxba kama jiraan  waa mid deel qaaf ah, shuruucdii xisbiga ayuu jabiyey, xisbigau sharci buu leeyahay, wuxuu u qaybsamay xisbigu hogaankii xisbiga iyo musharaxiinta, gudoomiyaha xisbiga ayaa laga doonayaa inuu xisbiga dhiso, maaha musharaxinta, musharaxiintu xili ayey leeyihiin ay doorashada ka qaybgalaan, mar walba waa lagama maarmaan, laakiin xisbiga UCID waxa qoorta iskaga duubay gudoomiyayha, mar walba wuxu warbaahinta la soo istaagayo hadalo is burburinay oo khalkhal ku abuuraysa taageerayaasha, taasina waa ta keentay inuu musharax madaxweyne ku xigeenka isku casilay ee uu u dul qaadan waayey, anigu waxaan leeyahay anigu cidna uga tagi maayo waxan noqon doona ka ugu dambeeyey ee jooga”.

Jamaal Cali Xuseen ayaa xusay in waqtigii uu soogalay xisbiga uu meel hoose ka bilaabay, isla markaana ay ahayd wakhti masuuliyiintii xisbigaasi ku biireen xisbiga WADANI, Waxaanu ku dooday in xisbiga tacab iyo dhaqaalaba ka gallay sidaas darteed aanu cidna uga tageen xisbiga.

“Ucid eber baan ka soo bilawnay oo masuuliyiintiisa waxay ku biireen WADANI, Faysal hadii aanu qadarin waayo heshiishkaasi anaga  madaxtooyada la nooga yeedhi maayno go’aanka xisbiga, musharaxa madaxweyne ku xigeenkii is casilayna waxa uu ka hadlayna waa runtii, kuma waafaqsani inuu xisbiga ka cararo waxay ahayd inuu nala joogo waxaana ka jeclaa inuu dalkan wixii aanu doonayno ka bedel oo  aanu tareeenka ka degin ilaa hada wax waraaq ah oo uu noo soo gudbiyey ma jirto”.

Dhinaca kale, guddoomiyaha xisbiga UCID Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa isna sheegay in musharraxnimada xisbiga lagu dhex tartami doono, isla markaana aanay cidna kooto ugu jirin musharaxnimaddu.

“Anigu sow guddomiyihii ma ihi marka ay wakhtigaygu uu gaadho waa la ila la tartamaya, qof loo xidhay ma jiro oo lagu talo galay, murashaxu waxa uu noqoneya marka uu ogolaato dowladdu ee sawirkiisa la ogaado ayuu noqon kara, wax musharax ahi ma jirto, sida Muuse iyo Saylici loola tartamay ayaa loogu tartamayaa, aduunka ma jirto qof ay u xidhan tahay, annagu barigii hore waxaanu u diyaar-garaynay murashaxnimada Jamaal, C/rashiid Xasan mataana waa ka iska tagay cid illaa hadda tidhi musharax baan ahay ma jirto, balse xisbigu wuu isqiimaynaya oo sidii xisbigu usoo bixi lahaa ayaa la doonayaa”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey musharaxnimada xisbiga UCID ee khilaafk ka taagan yahay.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka UCID, Cali Gurey ayaa sheegay inay ku gudda jiraan xalinta khilaafka xisbiga ka dhex-jira, waxaanu ku goodiyey in haddii la xalin kari waayay ay mucaaradka oo dhami iskugu iman doonaan xisbiga kale ee WADANI si xisbiga weyn oo mucaarad ahi usoo baxo.

“Waxaad mooddaa in waxa cusub yahay khilaafka xisbiga UCID, waxan hore u sheegay in dhamaadkii khilaafka  xisbiga KULMIYE yahay bilowga khilaafka xisbiga UCID, jinkii KULMIYE gallay ayaa UCID na gallay anaguna ka cuudin doona, waana ku tallo jirnaa xalkeedda, laba mid bay noqonaysa inaanu noqono xisbiga ugu weyn ee mucaarad ee ugu adag noqono iyo inuu xoogaysto xisbiga kale ee mucaaradka ah WADANI oo mustaqbalka wixii mucaarad ahi iskugu wada tagi doonaan haddii sidan wax laga bedeli waayo sidan oo gudoomiyuhu wax u waddo, waana is arki doonaa,” ayuu yidhi Cali Gurey.

Si kastaba ha ahaatee, hadaladda warbaahinta isku marinayaan masuuliyiintii ugu saraysay xisbiga UCID ayaa u muuqdi mid laga quustay in xal loo helo khilaafka xisbiga, iyadoo maalmo ka horna musharaxii madaxweyne kux igeen iska casilay xisbiga, isagoo eedeemo usoo jeediyey gudoomiyaha.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland