4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2015
Xaflad lagu soo dhaweynayay Duqa Muqdisho oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, November 26, 2015 (HOL) — Xisbiga nabada iyo hormarinta ee PDP ayaa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir isla markaana ah duqa Muqdisho, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, iyadoo munaasabadda ay goob-joog ka ahaayeen wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kale.

Madaxda Xisbiga PDP oo furitaanka xafladda oo shalay lagu qabtay Muqdisho ka hadlay ayaa xusay inay ku faraxsan yihiin soo dhaweynta ah ee ay u sameynayaan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Mjuqdisho.

Sidoo kale, waxay tilmaameen inay wax badan oo is-bedel ah ka rajeynayaan Duqa cusub ee Muqdisho, ayna ka filayaan inuu la yimaado hormar iyo shaqo badan. Waxaa iyagana xafladda ka hadlay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin soo dhaweynta duqa Muqdisho.

Xildhibaanad Sahro C/qaadir C/raxmaan oo iyadana goobta ka hadashay ayaa sheegtay in gudoomiyahaan cusub looga fadhiyo inuu wax u qabto shacabka Banaadir oo muddo badan ku jiray dagaallo sokeeye, haddana diyaar u ah in wax loo qabto.

Dhanka kale, waxaa isagana xafladda ka hadlay wasiir-u-dowlaha madaxtooyada Somalia, Mahad Maxamed Salaad oo u mahad-celiyay dhallinyaradii soo qaban-qaabisay xafladda lagu soo dhaweynayo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Isagoo ka sheekeeyay taariikhda guddoomiyaha cusub oo uu sheegay inay wax isla soo bartay.

Guddomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo gabagabadya xafladda hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay munaasabada soo dhaweynta ah ee loo sameeyay, wuxuuna intaas ku daray inuu la imaan doono wax-qabad muuqda, uuna wax ka qaban doono waxyaabaha shacabka gobolka ay ka cabanayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya