4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2015
SAWIRRO: Maydka Danjirihii Somalia ee Masar oo Maanta laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho


Khamiis, November 26, 2015 (HOL) — Waxaa saaka garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho laga soo dajiyay maydka Allaha u raxmadeen safiirki Somalia u fadhiyay dalka Masar, ahaana ergaygii Somalia ee ururka Jaamacadda Carabta, marxuum C/llaahi Xasan Maxamuud oo dhawaan ku geeriyooday Qaahira.

Marxuumka ayaa waxaa salaadii Janaasada lagula tukaday garoonka Aadan Cadde, iyadoo janaasadiisa ay ka qaybgaleen, mas'uuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda FS iyo xubno kale.

Isla maanta ayaa lagu wadaa in marxuumka lagu aaso Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay aaskiisa ka qaybgalaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, iyadoo marxuumku uu ahaa danjirihii ugu waqtiga dheeraa safiirrada Somalia u fadhiya caalamka iyo danjirayaasha ka howlgala magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Danjire C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa 22-kii bishan ku geeriyooday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, iyadoo la sheegay inuu u geeriyoday xanuun, waxaana da'diisu ay ahayd 72-jir.

Haddaba, AKHRISO; Taariikh Nololeedkii Marxuumka C/llaahi Xasan Maxamuud;

Marxuum danjire C/llaahi Xasan intii uusan howlaha dublamaasiyada kusoo biirin, wuxuu sanadkii 1970–kii ahaa macallin dugsiyada sare ee dalka wax ka dhigi jiray. sanadkii 1972-kii uu sidoo kale macallin ka noqday Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isla sannadkaas waxaa loo dalacsiiyay in uu maamule ka noqdo dugsigii Jamaal C/naasir oo ahaa xilligaasi dugsiyada wax lagu barto ee ugu tayada wanaagsanaa dalka.

Sannadihii 1974-kii illaa 1976-kii wuxuuu ahaa isku-duwaha waxbarashada ee gobolada Mudug iyo Banaadir iyo weliba xog-hayihii guud ee iskuullada waxbarashada ee Somalia oo dhan.

Sannadkii 1981–kii waxaa loo magacaabay la-taliyaha madaxweyihii Somalia ee Arrimaha Jabhadaha.

Marxuum C/llaahi Xasan wuxuu ka qaatay darajada Licentiate ee Luqadda Carabiga iyo Culuumta Islaamka kulliyadda Dar Al-ulum ee Jaamacadda Qaahira ee sannadkii 1969-kii.

Danjiraha wuxuu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda sannadkii 1987-kii, xilligaas oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhiya ee waddanka Al-jeeriya. Sannadkii 1990-kii ayaa la bedelay isagoo loo magacaabay safiirka Somalia ee dalka Masar, ahna ergeyga joogtada ee Soomaaliya uga wakiilka ah Jaamacadda Carabta, xilkaasoo uu hayay illaa maanta oo uu geeriyooday.

Allah u naxariisto, maxuumku wuxuu ku matalayay kulamada ururka Jaamacada Carabta magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed muddo dhan 25-sannadood, isagoo Shir-guddoomiyay fadhigii heerka wasiir arrimo dibadeed ee Jaamacadda Carabta, kulankiisii 123-aad ee qabsoomay bishii Maarso ee sannadkii 2000.

Sannadkii 1996-kii, wuxuu ku fariistay kursiga shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira oo ku hadlayay magaca madaxdii Somalia ee xilligaas.

Muddadii Qaran burburka dalku ka jiray, danjire C/llaahi Xasan Maxamuud wuxuu ka qayb-galay shirarkii dib u heshiisiinta ee kooxihii siyaasadda Soomaaliya ku loolamayay ee lagu kala qabtay magaalooyinka Qaahira, Addis Ababa iyo Carta, xubinnimo baarlamaan oo loo doortay intii uu socday shirkii  Carta-Jabuuti sannadkii 2000 ayuu ka tanaasulay.

Ugu dambeyn, marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo ku dhashay degmada Iimeey ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya sanadkii 1943-kii; wuxuuna ifka uga tagay laba Xaas iyo siddeed carruur ah oo kala ah lix Wiil iyo laba Gabadhood; iyo toddoba carruur ah oo ay sii dhaleen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya