4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2015
Madaxweyne Xasan & RW-hii hore ee Norway oo ka wadahadlay hirgelinta federaalka iyo axsaabta


Khamiis, November 26, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisul wasaarihii hore ee Norway, Kjell Magne Bondevik oo haatan ah madaxa hay’adda loo yaqaano Oslo Centre for Peace and Human Rights.

Xasan Sheekh iyo Bondevik ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo kaalinta hay’adda Oslo Centre ay ka qaadan karto dhismaha axsaabta siyaasadeed iyo dimuqraadiyada dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Norway ay ka mid tahay waddamada hormuudka u noqday dib u dhiska Somalia, mashaariicda ay dalka ka fuliyeenna ay yihiin kuwo muuqda.

Bondevik ayaa ku bogaadiyay madaxweynaha & hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, horumarka ay ka sameeyeen amniga, siyaasadda iyo arrimaha lagu horumarinayo bulshada, isagoo intaa raaciyay in hay’adda uu madaxda ka yahay Oslo Centre for Peace and Human Rights ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dhismaha hay’adaha siyaasadda iyo fidinta dimuqraadiyadda ee Somalia.

Ugu dabmeyn, kulanka waxaa goob-joog ka ahaa; gudoomiyaha baarlamaanka federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenka baarlamanka, Jeylaani Nuur Iikar, iyo mas’uuliyiin kale.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya