4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2015
Al-shabaab oo Weerartay Fariisimo ay Buuraha Galgala ku leeyihiin ciidanka Puntland


Khamiis, November 26, 2015 (HOL) — Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, dhawaanna ku biiray kooxda Daacish/ISIS ayaa xalay weerar ku qaaday fariisimo ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka buuraleyda ah ee Galgala, iyadoo intii uu socday iska-hor-imaadka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ayaa madaafiic ku weerareen fariisimaha ciidamada Puntland, iyadoo kaddib dagaal fool-ka-fool ah ku qaaday ciidamada Puntland.

Dadka ku sugan deegaannada ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa soo sheegaya inay maqlayeen xalay hubka kala duwan ee la isku weydaarsanayay Buuraha Galgala.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaal toos iyo madaafiic ku qaaday fariisimaha ciidamada Puntland, ayna gudaha u galeen Buuraha Galgala, inkastoo aysan sheegin khasaaraha rasmig ah ee ka dhashay dagaalka.

Maamulka Puntland iyo Al-shabaab ayaa horay dhowr jeer ugu dagaallamay Buuraha Galgala, dagaalladaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo labada dhinac soo kala gaaray; inkastoo dowladda Puntland ay horay u sheegtay inay u baabi’isay Al-shabaabta Galgala.

Weerarradan ayaa imaanaya iyadoo bishii hore ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku dhawaaqeen inay ku biireen Daacish, taasoo ka careysiisay Al-shabaabta kale ee kasoo horjeeda in lagu biro Daacis.

Xoogagga Al-shabaab ee ku biiray Kooxda ISIS ayaa waxaa hoggaaminaya Sh. C/qaadir Muumin oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ruuxiiga ahaa ee Al-shabaab soo maray.

Ugu dambeyn, taliska ciidamada Puntland ayaa maalintii shalay ahayd sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro ka yimaada kooxda Al-shabaab ee ku biiray ISIS, isla markaana hadafkooda yahay in weerar ay isku muujinayaan soo qaadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya