4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2015
Xulka Itoobiya oo kaga adkaaday xulka Somalia Ciyaar ka tirsan CECAFA oo Dhexmaray Maanta


Arbaco, November 25, 2015 (HOL) — Xulalka Itoobiya iyo Somalia ayaa maanta waxaa dhexmaray kulan adaga oo ka tirsanayd cayaaraha koobka Bartamaha iyo Bariga Afrika, taasoo ka dhacday garoonka Awassa ee magaalada Addis Ababa.

Kooxda Itoobiya ayaa kaga adkaatay kooxdii matalaysay dalka Somalia 2-0, iyadoo guul-darradan ay noqonayso tii labaad oo ay la kulanto inta ciyaarahaan ay socdaan, waxaana goolkii koowaad xulka Itoobiya u dhaliyay laacibkooda Mohammed Nasser.

Xulka Somalia ayaa waxaa ka maqnaa maanta laacibkooda Jabriil oo dhaawac uu kasoo gaaray ciyaartii ay la yeesheen xulka Tanzania, iyadoo xulka Soomaaliya looga adkaaday 4-0.

Sidoo kale, xulka dalka Itoobiya ayaa waxay goolkoodii hore dhaliyeen daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta, waxaana banooni geesta garoonka laga soo tuuray madaxa ku dhaliyay ciyaar-yahanka Mohammed Nasser, kaddib markii uu daba-mariyay gool-hayaha xulka Somalia.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxay kusoo dhamaatay 1-0 oo ay xulka Itoobiya ciyaarta ku hoggaaminayeen, inkastoo xulka Soomaaliya ay soo bandhigtay cayaar taageerayaashii ku sugnaa garoonka ay aad u jeclaysteen.

Markii la isugu soo laabtay qaybta dambe ee ciyaarta ayaa waxaa xulka Soomaaliya u soo galay ciyaarta laacibka C/risaaq Cali oo bedelay ciyaaryahan Mayman; isagoo kubaddii is-bedel weyn ku keenay, balse nasiib-darro xulka Somalia gool labaad ayaa laga dhaliyay.

Xulka Itoobiya ayaa daqiiqadii 82-aad ee cayaarta waxaa gool u dhaliyay cayaaryahanka, Behailu Girma, iyadoo ciyaarta ay ku soo idlaatay 2-0 oo looga adkaaday xulkii Somalia.

Ugu dambeyn, xulka kubadda cagta Somalia oo isku guruub ay ku jiraan Xulalka dalalka Rwanda, Tanzania iyo Itoobiya ayaa waxay ciyaarta soo socota isaga hor-imaan doonaan xulka dalka Rwanda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya