4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2015
Hay'ada SSWC oo Muqdisho ka furtay Tababar la Xiriira ka hortaga tacadiga loo geysto Haweenka


Arbaco, November 25, 2015 (HOL) — Hay’adda SSWC ayaa maanta ka furmay Muqdisho tababar socon doona muddo 16-maalmood ah oo la xiriira ka hortagga dhibaatooyinka kala duwan ee dumarka loo geysto, kaasoo ay ka qaybgalayaan qaybaha kala duwan ee dumarka Soomaaliyeed.

Tababarka ayaa waxaa furtay madaxa hay’adda SSWC Maamo Aamina Xaaji Cilmi oo ku sheegtay hadal ay jeedisay in tababarkan uu yahay mid la xiriiro sidii loola dagaalami lahaa xad-gudubyada lagula kaco haweenka, iyadoo xustay in tababarro noocan oo kale ah ay ka socdaan maanta caalamka oo dhan.

“Waxaan maanta isugu nimid kulamo adduunka meel ay haweeni ku nool-yihiin ka socda, kaasoo ah 16-kii maalmood ee la-dagaallanka xad-gudubyada kala duwan ee haweenka loo geysto,” ayay tiri Maama Aamina Xaaji Cilmi oo intaas ku dartay in haweenka ku nool inta badan waddamada ay colaaduhu ka jiraan illaa maanta lagula kaco falal uu Kufsigu ka mid yahay.

Sidoo kale, Maama Aamina Xaaji ayaa furitaanka tababarka ka sheegtay in xad-gudub loo geysto haweenka ay fara badan yihiin uuna ugu weyn yahay kufsiga oo ay sheegtay intay intooda badan ka dhacaan waddamada ay dagaalladu afeeyeen, isla markaana uu sharcigu dhintay.

Maama Aamina Xaaji ayaa xustay in markii sharcigu dhinto ay badanayaan baahida, difaac la’aanta iyo hoy la’aanta, kuwaasoo keenaya in haweenku dayacmaan, dayacaaddaasina ay sababto in haweenka loo geysto dhibaatooyin uu ka mid yahay kufsiga, kuwaasoo dhamaan haweenka da’ walba oo ay jiraan lagula kaco.

“Dhibaatooyinka haweenka lagula kaco, caalamku wuxuu u qaybiyay lix qaybood oo kala ah; kufsiga, gacan-ka-hadalka, cayda, guurka khasabka ah ee haweenka, xuquuqdeeda oo laga duudsiiyo iyo xadug-dubyo kale,” ayay Aamina Xaaji Cilmi ku tiri hadalkeeda.

Iyadoo sii hadlaysa ayay madaxa SSWC waxay sheegtay in urur ahaan ay go’aansadeen in ay dhibaatooyinkaas lagula kaco haweenka wixii ay ka qaban karaan ay ka qabtaan, iyadoo xustay inay sameeyeen saddex xarumood oo kala ah; Xaawo-taako 1 iyo 2 iyo Xannaano; kuwaasoo ay wax uga qabanayaan xad-gudubyada lagula kaco haweenka Soomaaliyeed.

Waxay kaloo Aamina Xaaji xustay in sannadkan arrinta caalamka oo dhan looga hadlayo ay tahay; Nabad ka billaabata guriga kuna dhammaata dunida iyo sidoo kale in qof walba uu helo waxbarasho uu uga qayb-qaato horumarka haweenka. Taasoo ay sheegtay inay tahay sababta ay tababarkan ugu qabanayaan gabdho ka socda jaamacadaha iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed.

Madaxa haya'adda SSWC ayaa waxay ku baaqday in haweenka Soomaaliyeed laga daayo dhibaateynta, iyadoo ragga Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka daayaan haweenka u dhaxa dilka, waxayna tiri. “Ninkii xaaska uu qabo dila, waxay la mid noqonaysaa isagoo dilay hooyadiis, walaashiis iyo gabadhiisa. Waayo ninna ma jecla in walaashiis ama gabadhiisa la kufsado, lagu xad-gudbo ama fal xun lagula kaco; marka waa inay is-weydiiyaan side xaaskaaga dhibaato aadan ehelkaaga rabin in lagu kaco aad kula kacdo xaaskaaga.”

Dhanka kale, Maama Aamina ayaa hadalkeeda ku xustay in Soomaalidii hore ay dhaqan wanaagsan lahaayeen, kaasoo ah in haweenka la dhowr, Somalida maanta joogtana looga baahan yahay inay dhaqankaas oo kale la yimaadaan oo ay haweenka dhowraan, iyadoo waaliddiinta Soomaaliyeed ugu baaqday in gabar iyo wiilba ay wax baraan, maadaama dhibaatada dalka ka jirta looga bixi karo oo keliya waxbarashada oo la horumariyo.

Dhanka kale, tababarkan oo socon doona 25-ka November illaa 10-ka December 2015-ka, ayaa waxaa loo furay in ka badan boqol haween ah oo isugu jira ardayda Jaamacadaha iyo iskuullada, barakacayaal iyo qaybaha kale ee haween Soomaaliyeed ayaa waxaa isagana ka jeediyay hadal guddoomiyaha degmada Hodan, Axmed Salaad oo sheegay in haweenka oo la dhibaateeyo ay tahay arrin fool xun oo aysan cidina aqbali karin.

“Waxaa doonayaa inaan halkaan ka sheego in Haweenka xuquuqdooda la ilaaliyo oo aan dhibaato loo geystay, maadaama Hooyadu ay leedahay saddex xaq, marka loo eego diinta Islaamka. Mana ahan in lagu xad-gudbo,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Hodan.

Ugu dambeyn, tababarkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu lafa-guri doonaa xad-gudubyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed iyo sidii looga gudbi lahaa, iyadoo dhammaan xubnihii kale ee hadalada ka jeediyay furitaankii tababbarkan ay ku baaqeen in haweenka la dhowro oo laga digtoonaado xad-gudubyada lagula kaco.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya