4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2015
Shirkii Wada-tashiga ee Warbaahinta Somalia oo lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, November 25, 2015 (HOL) — Shirkii Wada-tashiga ahaa ee warbaahinta dalka oo muddo laba casho ah ka socday Muqdisho ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray war-muriyeed ka kooban 18-qodob.

Kulankan waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta ururrada suxufiyiin dalka, wasiirro ka kala socday dowladda FS iyo maamul-goboleedyada dalka, marka laga reebo Puntland oo uu matalayay afhayeenka madaxtooyada Puntland, wakiillo ka kala socday gobollada Banadir, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo dublamaasiyiin ka socday dalalka daneeya Soomaaliya.

Qodobbada laga soo saaray shirka ayaa waxaa saxiixay dhammaaday wasiirradii ka kala socday dowladda Somalia iyo maamul-goboleedyada, iyadoo qodobadan ay ahaayeen kuwo ay isku raacsanaayeen dhamaan mas’uuliyiintii goob-joogga ka ahaa shirka.

Haddaba, 18-kii qodob ee laga soo saaray shirka warbaahinta Somalia ayaa kala ah:

1. Wasiirradu waxay soo dhaweeyaan, una mahad-celiyeen doorka xafiiska UN ee Somalia oo taageeray shirkan. Sidoo kale waxay u mahad-celiyeen doorka hay’adaha IMS iyo Fojo ee ku aaddan diyaarinta barnaamijka, qorshaha is-traatiijiyada warbaahinta iyo soo ururinta macluumaadka muhiimka ah kaddib booqashooyinkii ay ku kala bixiyeen gobollada dalka si loo ogaado baahiyaha iyo dhibaatooyinka haysta warbaahinta ka hawl-gasha maamul-goboleedyada iyo sidii loo hormarin lahaa.

2. Wasiirradu waxay isku dhaafsadeen shirka warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda Somalia ee dhinacyada siyaasada, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo Warfaafinta.

3. Waxay isku waafaqeen muhimada ay leedahay in wasaaradaha warfaafinta iyo dhamaan bahda warbaahinta dalku yeeshaan qorshe iyo hannaan cad oo lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, lagulana dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimadda.

4. Wasiirradu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan wadashaqeyn buuxda oo dhan walba ah sida diiwaan-gelinta hay’adaha warbaahinta dalka, sharci-siinta hay’adahaas iyo inay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba kusoo kordha.

5. Wasiirradu waxay isla garteen in xeerka saxaafadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ee hada horyaalla baarlamaanka dib loo dhigo ansixintiisa mudo 15 casho ah si maammul-goboleedyadu fursad ugu helaan inay soo darsaan sharciga.

6. Wasiirradu waxay isla garteen in marka la ansixiyo xeerka saxaafadda Somalai, lagana wada-shaqeeyo dhaqan-gelintiisa; iyadoo golaha warbaahinta qaranka ee la dhisi doono ay xubno ku yeelan doonaan maamul-goboleedyada si goluhu u wajaho cabashooyinka iyo anshax marinta shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xad-gudba xeerkaas ama anshaxa iyo asluubta warbaahinta.

7. Waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan wariyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliya, waxayna amaaneen horumarka lixaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Somalia. Waxayna xaqiijiyeen in dawladda Somalia ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo xorriyatul-qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee dastuurka KMG ah ee Somalia.

8. Wasiirradu waxay isla meel dhigeen in si hawl-gallada ciidan iyo horumarka dalka ka socda uu u guulaysto, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliyana ay u noqoto mid joogto ah in loo baahan yahay in dowladda federaalka Somalia iyo maamul-goboleedyada oo is-kaashanaya ay sameeyaan wacyigelin bulsho iyo dib u heshiisiin buuxda oo la dhex-dhigo beelaha Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee wax kala tirsanaya.

9. Waxay hoosta ka xariiqeen in bahda warbaahinta oo is-kaashanaya ay sameyn karto wac-yigelin bulsho oo beelaha iyo shacabka Soomaaliyeed ka saarta kala shakiga iyo isku kalsooni la’aanta ay ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee daba dheeraaday.

10. Waxay cambaareeyeen ficillada dilka, xariga aan sharciga ahayn iyo hanjabaadaha ay kooxaha argagixisada ah ku hayaan weriyayaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen inay gacanta ku soo dhigaan dambiilayaasha oo ay sharciga hor-keenaan.

11. Wasiirradu waxay ammaan iyo mahad-celin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliya waxayna ugu baaqeen inay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Somalia ay gelayso marxaladda cusub.

12. Waxay si wadajir ah isagu raaceen in hay’adaha caalamiga ah ee taageera saxaafadda ee magaca warbaahinta Somalia deeq-bixiyeyaasha lacagaha uga soo qaata ay barnaamij-yadooda u soo gudbiyaan wasaaradaha warfaafinta ee heer federaal iyo heer maamul-goboleed si looga hor-tago in barnaamijyo isku mid ah ay wada-saameeyaan oo aan ka tarjumeyn baahida warbaahinta.

13. Wasiirradu waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo urrurada warbaahinta Somalia taageera ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta dalka inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradaha warfaafinta ee heer federaal iyo kuwa dawlad-goboleedyada ay ka hawl-galaan, isla markaasna u gudbiyaan qorsha hawleedkooda oo dhameystiran.

14. Waxay wasiirradu isla meel-dhigeen in shacabka Soomaaliyeed uu u baahan yahay wacyi-gelinno la xiriirta barashada dastuurka, nidaamka federaalka ah iyo habka doora-shooyinka, loona baahan yahay in wasaaradaha warfaafinta ee heer federaal iyo maamul-goboleedyada la yimaadaan qorshe mideysan oo lagu wacyi-gelinayaan bulshada Soomaaliyeed.

15. Waxay wasiirradu isla meel-dhigeen in shacabka Soomaaliyeed loo qabto barnaamijyo wacyi-gelineed oo la xiirira amniga, waddaniyada, midnimada iyo is-aaminka ka dhexeeya shaqsiyaadka, deegaannaada iyo beelaha Soomaaliyeed.

16. Wasiirradu waxay bogaadiyeen hawlgalada ammaan iyo guulaha ay ciidanka qalabka sida ee Somalia iyo kuwa AMISOM ka gaarayaan, waxayna ugu baaqaan inay soo afjaraan ciribtirka Al-shabaab iyo kooxaha nabadda kasoo horjeeda ee doonaya inay gabaad ka dhigtaan Soomaaliya.

17. Wasiirradu waxay isku afgarteen inay shir dambe isugu soo noqdaan bisha December ee soo socota, si ay u meel-mariyaan qorshaha iyo is-traatiijiyada horumarinta warbaahinta Soomaaliya ee shanta sano ee soo socota ah oo hadda gacanta lagu hayo.

18. Wasiiradu waxay ugu baaqeen dowladaha, hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Somalia inay xoojiyaan; isla markaana joogteeyaan taageerada ay siinayaan qorshayaasha ay wasaaraduhu wadaan oo si siman waddanka oo dhan looga hirgelin doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya