4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2015
Dagaal Al-shabaab iyo xoolo-dhaqato ah ku dhax-maray deegaanka Qandho ee degmada Maxaas


Arbaco, November 25, 2015 (HOL) — Wararka ka imanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus deegaan lagu magacaabo Qandho oo degmada hoos-tagta ku dhaxmaray xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo dad xoolo-dhaqato ah.

Ku dhawaad 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen dagaalka oo ahaa mid ka billowday khilaaf soo kala dhax-galay dad xoolo-dhaqato ah iyo xoogag Al-shabaab ka tirsan oo ku amray xoolo-dhaqatada inay bixiyaan xoolo Sakawaad ah oo la sheegay inay ku gacan-seyreen dadka deegaanka.

Maxamed Maxamuud Saney oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan degmada Maxaas ayaa u sheegay HOL in Al-shabaab dagaalka looga dilay Siddeed ruux, lagana gubay gaari kuwa dagaalka ah.

Sarkaalka ayaa intaa raaciyay in markii dambe dagaalka ay ciidamada dowladda Somalia ka noqdeen qayb; iyagoo u gurmaday dadka xoolo-dhaqatada ah.

Ugu dambeyn, ma jiro wax war ah oo Al-shabaab ay kasoo saartay dagaalka ku dhaxmaray iyaga iyo xoolo-dhaqatada deegaanka Qandho oo ka tirsan degmada Maxaas.

C/raxmaan Diini, Hiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya