4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2015
Madaxweynaha Somalia oo dalacsiiyay maanta ciidamo ka tirsan Booliiska Somalia (SAWIRRO)


Arbaco, November 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka ciidanka miino-barista booliiska Soomaaliya, taasoo lagu qabtay xarunta gaadiidka booliiska ee Muqdisho, isagoo dallac-siiyay qaar ka mid ah ciidamadaas.

Madaxweyne Xasan ayaa halkaas salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ciidanka booliiska ka tirsan, isagoo salaanta kaddib khudbad ka jeediyay munaasabadda, taasoo uu si weyn ugu amaanay waxqabadka booliiska Somalia iyo horumarka ay ka geysanayaan sugidda amniga shacabka iyo kan dalka.

“Xeradan iyo hawsha wanaagsan ee lagu soo bandhigay waxay daliil u tahay horumarka ay Somalia ku tallaabsanayso. Xeeladaha iyo aqoonta sare ee aad ina tusteen waxay wax weyn ka tari doonaan in la burburiyo kooxaha cadowga ku ah jiritaanka iyo ammaanka Somalia,“ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa xusay in loo baahan yahay in hay’adaha dowladda ay shacabka u soo bandhigaan waxqabadkooda si ay u kasbadaan taageerada shacabka ee ku aaddan dib u dhiska dalka.

“Waxqabadka aan maanta halkan kusoo bandhigteen wuxuu ka marag-kacayaa baahida loo qabo in bulshadu ay ka war-hayso waxay dowladdu qabaneyso. Waxaan ku boorrinayaa dhamaan hay’adaha dowladda - iyagoo adeegsanaya qalabka saxaafada ay waxqabadkooda ugu soo bandhigaan bulshada, taas oo qayb weyn ka qaadaneysaa fahamka dowladnimada iyo inaan ka mira-dhalinno hawlaha qarannimada ee aynu hayno," ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

Wuxuu kaloo fariin u diray warbaahinta dalka, isagoo yiri. “Warbaahinta waxaan kula dar-daarmayaa inay qayb ka qaataan nabadeynta & dib u dhiska dalka, ayna tusaale ka qaataan dalalka horay dhibaatooyinka nala mid ah uu horay ugu dhacay iyo sida warbaahintooda ay gacan uga geysatay.’’

Xasan Sheekh wuxuu intaa raaciyay in abaalmarinta ugu weyn ee ay heli karaan ciidamada ay tahay in la aqoonsado hawshooda geesinimada leh ee ay naftooda ugu hurayaan difaaca iyo u adeegidda Qaranka iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka xusuusiyay dhibaatooyinka laga dhaxley caadooyinka iyo dhaqamada aan la jaanqaadi karin nolosha casriga ah iyo midda bani’aadamnimada.

“Ciidanka mina-baarka booliiska waxay halkan kusoo bandhigeen xir-fadahooda la xiriira sida looga faa’ideysan karo eeyaha miinooyinka lagu baaro iyo la dagaallanka dambiyada loo adeegsado. Waan ognahay dhaqan iyo caado ahaan waxaanu ka aamisan-nahay eeyaha, laakiin waa inaan mar walba ku cabbirnaa wax-tarka uu inoogu leeyahay dhanka sugidda amniga. Waana inay shacabkeennu ka gudbaan caadooyinka xun sida in wax laga sheego dadka xirfadaha gacmeed ee kala duwan ku shaqeysta, xirfadahaasoo kaalin weyn ka qaata horumarka bulshada iyo dhaqaalaha dalka,” ayuu Xasan Sheekh hadalkiisa daba-dhigay.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa xafladda kaga dhawaaqay hadal ay si weyn ugu farxeen ciidamada mina-baarista booliiska Somalia iyo xubnaha la shaqeeya ee ciidamada dembi-baarista booliiska (CID) oo min hal darajo la dalacsiiyay. Waxaana ciidamada mina-baarista ee sida gaarka ah u adeegsada eeyaha ayaa iyagana la dallacsiiyay min laba darajo.

Wasiirka Amniga Qaranka, C/risaaaq Maxamed Cumar oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha hay’adaha amniga Somalia iyo horumarrada ay ku tallaabsanayaan.

Taliyaha booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud ayaa isagana warbixintiisa ku xusay in dhawaan booliiska iyo maamulka gobolka Banaadir ay wadajir uga shaqeyn doonaan hawlaha dab-damiska, isagoo sheegay in dhawaan la furi doono xafiis gaar ah oo boolisku leeyahay, kaasoo qaabilsan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Munaasabadan oo ay kasoo qayb-galeen wasiirrada dowladda Somalia ee difaaca, shaqada iyo shaqaalaha, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, taliyaha ciidanka nabadsugida iyo mas’uuliyiin ka socday gudaha dalka iyo dibaddiisa, ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah ee ay qabtaan ciidamada miina-baarista booliiska Somalia.

Ugu dambeyn, ciidamada booliiska Soomaaliya u qaabilsan miina-baarista ayaa waxaa la aasaasay sannadkii 2011-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya