4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2015
Somalia & Itoobiya oo galabta isaga hor-imaanay cayaar ka tirsan Bariga iyo Bartamaha Afrika


Arbaco, November 25, 2015 (HOL) — Maanta waxay ciyaar ka tirsan koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ay dhexmari doontaa xulalka Somalia iyo Itoobiya, cayaartan ayaa ka dhici doonta 5:00 galabnimo ee maanta garoonka kubadda cagta ee Awassa oo ku yaalla dalka Itoobiya.

Xulalka Somalia iyo Itoobiya ayaa waxay kuwa jiraan GROUP A, waxaana labada xul ay kaalimaha hoose kaga jiraan guruubka ay ka tirsan yihiin, iyadoo maanta ay labada xul mid walba oo ka mid ah uu doonayo inuu kan kale la adkaado.

Kooxda matalaysa Somalia ayaa waxaa horay uga soo badisay xulka Tanzania oo 4-0 uga badiyay, iyadoo xulka Itoobiya ay dhankooda ka adkaatay cayaartii ugu dambeysay ee ay ciyaaraan xulka dalka Rwanda, iyagoo uga badiyay 1-0 lagu suul-daaray Itoobiya.

Sidoo kale, xulka Somalia ayaa waxaa cayaarta galabta ka maqnaan doona mid ka mid ah cayaaryahannadooda ugu wanaagsan, Jabriil Xasan Fariid oo dhanka weerarka ka ciyaara, isagoo ku dhaawacmay cayaartii dhexmaray Somalia iyo Tanzania.

Inta badan xulka Somalia ayaa looga badiyaa Cayaarayaha ay ka Qayb-galaan ee Afrika, iyadoo taasi ay niyad-jab weyn ku keentay taageerayaasha Xulka Somalia; oo maanta is-weydiinaya natiijada ay keeni doonaan xulka Somalia.

Ugu dambeyn, laba xul ee Somalia iyo Itoobiya ayaa cayaartii ugu dambeysay ee ay wada-ciyaareen ayaa ahayd cayaar ka mid ahayd is-reeb-reebkii koobkii  Adduunka ee sannadkii 2014-kii, iyadoo xulka Somalia looga adkaaday 5-0, taas oo ahayd guul-darro weyn.

Haddaba, cayaarta ka tirsan koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee galabta ay isaga hor-imaan doonaan xulalka Soomaaliya iyo Itoobiya natiijadeeda waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL, haddii Alle ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya