4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2015
SAWIRRO: Wasaarada Haweenka XF Somalia oo Maanta kulan Muhiim ah ku Qabatay Muqdisho


Talaado, November, 24. 2015 (HOL) — Kulan wada-tashi ahaa oo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Somalia ay soo qaban-qaabisay, isla markaana ay ka qayb-galeen wasiiradda wasasradda haweenka, qaar ka mid urrurada bulshada iyo marti-sharaf kale ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan ayaa ujeeddadiisu ahayd qaabka ay haweenka uga qayb-qaadan karaan hannaanka siyaasadeed ee doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka; iyadoo ay wasaaradu soo bandhigtay afar qodob oo hanaanka doorashada dalka oo ay haweenku uga doodaan.

Qaar ka mid ah ka qayb-galayaashii kulanka oo u badnaa dumar ayaa si aad ah uga dooday sidii ay u haweenku ku heli lahaayeen xaquuqda ay siyaasada dalka ku leeyihiin, iyadoo ay muddo kooban ka harsan tahay 2016-ka oo uu dalku geli doono kala-guur.

guddoomiye ku xigeenka guddiga gabdhaha baarlamaanka federaalka Somalia, xildhibaan Qaali Axmed Diiriye ayaa ku boorrisay haweenkii kasoo qeyb galay kulanka inay kawada shaqeeyaan midnimada una dhaqaaqaan horumarinta waddankooda si ay kaalin muuqata uga galaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Markii uu kulanku soo dhammaaday ayay wasiiradda haweenka iyo horumarinta xaquuqul aadanaha Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samatar warbaahinta la hadashay, iyadoo uga warbixisay ahmiyada kulankan iyo hadafka ay haweenka ka leeyihiin siyaasadda dalka.

Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay in wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Somalia oo kaashanaysa ururuda bulshada rayidka ay maalmihii dambe gobollada dalka ka wadday olole ballaaran oo lagu wacyi-galinayo haweenka si ay u heli lahaayeen xaquuquda ay ku leeyihiin siyaasadda Somalia.

Ugu dambeyn, wasiirad Sahro ayaa haweenka Soomaaliyeed ku baaqday in si ay ku jirto midnimo looga wada-shaqeeyo sidii dumarka Soomaaliya ay uga heli lahaayeen xuquuqda ay ku leeyihiin siyaasadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya