4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2015
Beledweyne: Waxgarad & Siyaasiyiin shuruud ku xiray dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe


Talaado, November, 24. 2015 (HOL) — Siyaasiyiin, aqoon-yahanno, odayaal dhaqameed iyo waxgarad kulan ku yeeshay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay suuro-galnimada dhismaha maamulay ku mideysan yihiin Hiiraan iyo Shabeellada shexe, iyaga oo ka digay in la marin-habaabiyo qorshaha socda.

Qaybihii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah mas'uuliyiin dowladda  in ay si cad u leexiyeen dariiqii saxda ahaa ee loo baahnaa in loo maro dhismaha maamulka labada gobol oo hadda u muuqda in aysan saameyn ah ku lahayn inta badan qeybaha bulshada oo aan waxba laga weydiin aragtidooda iyo fikirka ay ka qabaan howsha socda.

Waxgaradkii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in mudo ka badan 7 bilood fidsan tahay magaalada Beledweyne gogol isugu jirta dib-u-hishiisiin iyo wada-tashi, hase ahaatee wax lala yaabo tahay in dowladda federaalka wax door ah ku yeellan, socod-siinta shirka iyo wadda-hadalka bulsho.

“Ku dhawaad siddeed bilood waxaa halkan loo fadhiyaa kulan dib-u-hishiisiin iyo wadda-tashi ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan inta badan beellaha ku dhaqan gobolka, mudadii uu socday kulanka waxaa halkan inoogu yimid xubno ka socday xukuumada Soomaaliya gaar ahaan wasaarradaha arrimaha gudaha iyo ammniga, dhamaantood waxaa ay bogaadiyeen kulanka sidda uu u socdo, hasse ahaatee wax intaa dhaafsiisan oo ay dowlada ku taageertay ma jirin, sidaa awgeed bulshada ku nool gobolka Hiiran ma aqbali doonaan in meel aan ahayn magaalada Beledweyne la dhigo gogosha dhismaha maamulka labada gobol'' ayuu sheegay Towane Sabriye oo ah guddoomiyaha qurba joogta gobolka Hiiraan oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, aqoonayannaddii kulanka hadlay oo ku dheeraaday taariikhada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gobollku yahay wali yahay astaan u taagan Siddeedii gobol ee Soomaaliya, dhinaca kalana marka la eego baaxadiisa dhuleed iyo muhiimada u leeyahay isku xirka gobollada dalka Soomaaliya u qalmo in loo tixgaliyo labo gobol siddaana uu ku noqdo State gaar .

Hase ahaatee, dhinaca kale waxaa ay sheegeen,iyadoo la tixgalinayo her-galinta nidaamka federaalka iyo taaba-galinta qorsha dowladda ee ah in labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe noqdaan dowlad gobolleed,leysla gartay in la qaato qorshaha dowladda Somalia, balse taa macnaheedu aheyn in laga tanaasulay maqaamkii uu leeyahay gobolka, siddaa daraadeed marti-galinta shirka iyo xarunta maamulka labadaba uu xaq u leeyahay.

“Marka wax leysku darsanayo waa in qolo walba u caddahay waxa ay nidaamka uga mid noqoneyso, siddaa daraadeed walaalaha gobolka Sh/dhexe waxaan leenahay ku soo biira gogosha ka fidsan magaalada Beledweyne… waa in siyaasiyiinta iyo waxgaradka Sh/dhexe ku qancaan maqaamka uu leeyaha gobolka Hiiraan & muhiimada uu ugu fadhiyo dhismaha maamulka labada gobol, kuna soo biiraan gogosha ka fidsan degmada Beledweyne,” ayay si isku mid ah uga dhawaajiyeen dhinacyadii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay.

Mas'uuliyiinta dowladda federaalka ayeey uga digeen in ay iska dhaga-mariyaan baaqyda is daba jooga ah ee ka soo yeeraya qeybaha bulshada gobolka, haddii ay taa dhacdana qaadan doonaan go'aan aan u faa'ideyn doonin howsha socta ee dhismaha maamulka labada gobol.

“Mar kale waxaan fariintan u direynaa madaweynaha, ra'iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaan leenahay ma hoobana in la carqaladeeyo howsha socta, dib-u -eega rabitaanka bulshada ku dhaqan gobolka oo ah kuwa ugu danbeeya leh go'aanka is raaca labada gobol,'' ayaa laga sheegay kulanka.

Ugu danbeyntii, dhinacyadii ka qeyb-galay shirka, ayaa ugu baaqay hay'addaha samafalka in ay hoos u eegaan baahiyaha bulsho ee ka jira gobolka, gaar ahaan isbitaalka Beledwyene oo ay soo food saartay dawo la'aan caqabad ku ah socodsiinta adeeggyada Caafimaadka ee isbitaalku bixiyo.

Inkastoo wali ay jirto doodda ku saabsan qaabka ugu haboon ee loo dhisi karo maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe waxaa wali dhiman go'aanka dowaldda ee ah magaalada marti-galin doonta shirka iyo halka loo aqoonsanayo xarunta maamulka oo ay siweyn ugu hardamayaan siyaasiyiinta labada gobol.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya