4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2015
Putin oo sheegay in Cawaaqib-xumo ay ka dhalan doonto Diyaaraddii Turkigu uu soo riday Maanta


Talaado, November 24, 2015 (HOL) — Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay maanta in cawaaqib-xumo ay ka dhalan doonto diyaaradii dagaal ee Turkigu uu kasoo riday maanta dalka Ruushka, taasoo uu xusay inay maraysay xilliga lasoo ridayay gudaha dalka Suuriya.

Putin ayaa dhabar-jebin ku tilmaamay weerarkii ay militariga dalka Turkigu kusoo rideen maanta diyaaradoodii dagaal, taasoo nooceedu ahaa Su-24 oo ka mid ahayd diyaaradaha Ruushka ee duqeymaha u geysanayay saldhigyada xoogagga ISIS ee Suuriya ku yaalla.

Telefishinka Al-Carabiya ayaa soo bandhigay sawir u muuqday maydka mid ka mid ah duuliyaashii diyaaradda lasoo riday, inkastoo dowladda Ruushku aysan weli caddeyn in duuliyeyaasheedii mid ka mid ah uu dhintay.

Sidoo kale, madaxweynaha Ruushka ayaa ku eedeeyay dowladda Turkiga inay taageerayso argagaxisada, isagoo ammaanay ciidamada Ruushka ee qaybta ka qaadanaya howl-gallada ka dhanka ah ISIS ee ka socda Suuriya, wuxuuna ku tilmaamay ciidamadiisa geesiyaal.

“Weerarka lagu soo riday diyaaraddeenna waa mid ka baxsan ajandaha dagaalka joogtada ah ee ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah,” ayuu yiri Vladimir Putin ku sheegay hadal uu ka jeediyay magaalada Sochi oo uu maanta kula kulmay boqorka Dalka Jordan, Boqor Cabdalla.

Sidoo kale, Putin ayaa wuxuu sheegay in Ruushku ay horay u arkeen gaadiid shidaal u sida kooxda ISIS oo galaya Turkiga, wuxuuna sidoo kale xusay in Turkigu ay siiyaan lacago ay ku dagaalamaan kooxaha argagaxisada ah.

“Tallaabada Turkigu ay kusoo diray diyaaraddeenna dagaal ma jito wax lagu macneeyo oo aan ka ahayn ficil dhabar ka toogasho ah oo ay sameeyeen kuwa la jira argagixisada,” ayuu mar kale Putin ku yiri hadalkiisa.

Dhanka kale, saraakiisha millateriga Turkiga ayaa waxay sheegeen in diyaaradda ay kusoo xad-gudubtay hawadooda, ayna dhowr jeer u digeen, balse ay ugu dambeyn go’aansadeen inay soo ridaan, si ay uga hortagaan xadgudubka ay hawada dalkooda ku sameysay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in gudaha Suuriya ay ku jirtay diyaaradda xilliga lasoo ridayay, qiyaastiina ay xuduudda ay Turkigu la leeyihiin Suuriya u jirtay 4-km, laguna soo riday gudaha Suuriya.

Si kastaba ha ahaatee, Putin ayaan sheegin go’aanka ay xukuumaddiisu ka qaadan doonto tallaabada Turkigu kusoo rideen diyaaradooda dagaal, sidoo kalena weli kama aysan hadlin madaxda caalamka diyaaraddan lasoo riday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya