4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2015
TALIYAHA CXD: Waa inaad illaalisaan Sharafta, Nafta iyo Hantida Shacabka Somalia (SAWIRRO)


Talaado, November 24, 2015 (HOL) — Taliyaha ciidanka  xoogga Somalia Jen. Maxamed Aadan Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal ku jooga magaalada Kismaayo, ayaa maanta kormeer uu ugu kuur-galayay xaaladda ay ku nool yihiin ciidanka dalka wuxuu ku tagay xeryaha ciidamada xoogga dalka ee duleedka Kismaayo, isagoo ciidamadii halkaa ku sugnaa la hadlay.

Jen. Maxamed Aadan ayaa sidoo kale kormeerro ku tagay dekedda weyn ee Kismaayo iyo xarumuhii ciidanka badda Somalia ee Kismaayo ku yaalla oo aan lagu shaqeyn intii dalku uu dagaallada sokeeye ku jiray.

Sidoo kale, taliyaha xoogga dalka oo la hadlayay ciidamada ku sugan Kismaayo ayaa kula dardaarmay inay noqdaan ciidan ka shaqeeya danaha shacabka, isla markaana ay illaaliya xaquuqda bani'daamka; maadaama ay nasiib u yeesheen inay noqdaan ciidamadii la isku dhafay ee ugu horreeyay.

"Waa inaad illaalisaan nafta, sharafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, kana difaacdaan dalka cadowga oo ay ugu horreyso Al-shabaab," ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray. “Hadda waxaan ka shaqayneynaa sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamadii Qaranka oo loo sugi lahaa xuquuqda ay Qaranka ku leeyihiin si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran. Waxaana idiin sheegayaa in aad nasiib u yeelateen in aad noqotaan ciidankii ugu horreeyay ee la isku dhafo.”

“Taliska xoogga dalka Somalia waxba dib uma dhiganayo si loo dhiso dhammaan qaybihii ciidamada xoogga dalka oo la doonayo inay ka yimaadaan dhammaan gobollada dalka oo dhan. Ciidanka waa la isku dhafayaa, waxaana laga qorayaa dalka oo dhan,” ayuu mar kale ku yiri hadalkiisa tliyaha ciidanka xoogga dalka.

Ugu dambeyntii, taliyaha iyo wafdigiisii oo ay ka mid ahaayeen saraakiisha ciidamada ee maamulka Jubbooyinka ayaa kormeer ku tagay xerada akadeemiyada ee ku taalla duleedka Kismaayo iyo xeryihii ciidamada badda Somalia ee ku yaalla gudaha Kismaayo.

Taliyuhu ayaa wuxuu kormeerkiisa kusoo gaba-gabeeyay Dekadda weyn ee Kismaayo oo xilligii uu booqanayayay ka socotay shaqo maalmeedka caadiga ah ee dekedda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya