4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2015
Puntland oo maanta loogu baaqay inay sii dayso wariye Jaamac Dabarani oo maalintii 6-aad xiran


Talaado, November 24, 2015 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa maanta loogu baaqay in ay sii dayso wariye Jaamac Yuusuf Dabaraani oo ka tirsan Somali Channel TV oo maalintii lixdaad ku xiran xabsiga magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Dalabka la xiriira sii-daynta wariye Jaamac Dabaraani ayaa laga sheegay shir-weyne looga hadlayo horumarinta saxaafadda Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana baaqan jeediyay ururka NUSOJ, xafiiska QM ee Somalia.

Xog-hayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim ayaa ugu baaqay maamulka Puntland inay sii dayaan wariye Jaamac Dabaraani, isagoo yiri. “Waxaan xukuumadda Puntland ugu baaqaynaa in lasii daayo wariye Jaamac Dabaraani oo muddo lix maalmood ah xabsiga ku jira. Waxaana shirka weydiisanayaa in codkooda ay ku biiriyaan oo sii daynta wariyaha taageeraan.”

Sidoo kale, ergayga QM ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo isaguna shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu la qabo xoghayaha Guud ee NUSOJ fikirka ah in la sii daayo Wariye Jaamac Yuusuf Dabaraani.

“Wuxuu damaanad-qaadayaa dastuurka federaalka Somalia madax-bannaanida fikirka iyo xorriyadda saxaafadda; waxaana idin ka rajeynayaa shraciga gaarka ah saxaafadda ee aad ka doodi doontaan in la waafajiyo dastuurka Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay.


Dhanka kale, waxaa isna xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka ka hadlay wasirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo sheegay in marnaba dowladdu aysan raalli ka noqonayso in saxafiyiinta la dhibaateeyo.

Maareeye ayaa sidoo kale wuxuu tacsi u diray dhammaan wariyeyaashii Somalia lagu dilay sanadihii lasoo dhaafay iyagoo waajibaadyadooda gudanayay, wuxuu kaloo xusay inay ka xun yihiin wariyeyaashii lagu dhaawacay gudaha Somalia.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintii saxaafadeed ee ka socday maamul-goboleedka dalka ka jira ayaa iyaguna muujiiyay walaacooda ku aaddan dhibaatooyinka loo geysto suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, wariye Jaamac Dabaraani ayaa la xiray kaddib markii uu wareysi ay qoonsatay Puntland uu la yeeshay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] oo ku saabsanaa ergooyinkii ka qayb-galay shirkii wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka ka dhici doona Somalia sannadkii 2016-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya