4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2015
Diyaardaha dagaalka dalka Turkiga oo maanta soo riday Diyaarad Dagaal oo Ruushku leeyahay


Talaado, November 24, 2015 (HOL) — Diyaaradaha dagaalka oo Turkiga ayaa maanta oo Talaado ah soo riday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka ee duqeymaha kawada gudaha Suuriya, kaddib markii ay sheegtay inay kusoo xad-gudubtay hawadooda, inkastoo xukuumadda Moscow ay diiday in diyaaradooda ay ka baxday hawada dalka Suuriya.

Waa markii ugu horreysay oo waddan ka tirsan Isbahaysiga NATO uu soo rido diyaarad uu leeyahay Ruushka tan iyo sannadkii 1950-kii, iyadoo Ruushka iyo Turkiga ay bilihii lasoo dhaafay u dhexeeyeen muran ku saabsan duqeymaha uu Ruushku kawaddo Suuriya oo ay daris yihiin.

Afhayeenka aqalka madaxtoooyada Ruushka ee Kremlin-ka ayaa sheegay in falka lagu soo riday diyaaradooda mid aad u xanuun badan, inkastoo uusan bixin faahfaahin intaas dheer. Balse diyaaradda ayaa la sheegay inay ku dhacday buuraha Latakia ee dalka Suuriya.

Sidoo kale, Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa soo bandhigtay laba duuliye ee diyaaradda la riday saarnaa oo ka boodaya ka hor intii aysan dhicin, waxaana diyaaradda la soo riday uu nooceedu ahaa Su-24; waxaana soo riday diyaaradaha noocoodu yahay F-16-ka ee Turkiga leeyahay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in lasoo riday mid ka mid ah diyaaradahooda duqeymaha ka waday dalka Suuriya, waxaana warbixintan lagu sheegay in labadii duuliye ee waday ay ka baxsadeen, iyadoo Ruushku ay sheegeen in diyaaraddooda lasoo riday iyadoo ku jiray duulimaadkeedii caadiga ahaa ee hawada dalka Suuriya.

Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada Cirka Turkiga ayaa iyaguna xusay in tiro ka badan 10-jeer ay digniino siiyeen diyaaradda, balse ay iska dhego-tirtay, taas oo keentay in lasoo rido ugu dambeyn, waxayna saraakiishu intaa ku dareen in diyaarad kale ay dib hawadooda uga baxday markii ay digniin siiyeen.

“Hadalkeennu waa mid cad… diyaaraduhu laba ayay ahaayeen waxaana digniinno siinnay markii ay xuduudeenna kusoo dhawaadeen, mid ka mid ah dib ayay uga laabatay, laakiinse mid ayaan soo gashay xuduudda waanan soo ridnay,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada cirka Turkiga oo la hadlay Warbaahinta.

Xukuumadda Ruushanka ayaa horay u shaacisay inaysan joojin doonin duqeymaha ay ku hayso kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Suuriya, kuwaasoo ay sheegtay inay ku yihiin khatar ammaanka guud ee gobolka, iyadoo go’aanka ay dalka Turkigu ugu diideen diyaaradaha Ruushku inay soo maraan ay noqonayso midii ugu horreysay tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah duuliyeyaashii diyaaraddii lasoo riday maanta ee Ruushku lahaa ay gacanta ku dhigeen Turkmen oo ah jabhad dagaal kula jirta xukuumadda Turkiga, iyadoo diyaarado kuwa qumaatiga ku kaca ah oo uu Ruushku leeyahay ay baadi-goobayaan duuliyeyaashii diyaaraddoodii la riday.

Balse, Xukuumadaha Ruushka iyo Suuriya ayaa dhankooda sheegay in weli la raadinayo duuliyeyaashii diyaaradda lasoo riday, iyagoo beeniyay inuu gacan u galay mid ka mid ah duuliyeyaashii diyaaraddan xoogagga Turkmen.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Ankara ayaa horay u sheegtay inay soo ridi doonto diyaarad walba oo kusoo xad-gudubta hawadeeda, iyadoo Ruushka uga digtay inay diyaaradahoodu soo galaan hawadeeda.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda lama oga go’aanka ay Xukuumadda Ruushku ka qaadan doonaan diyaaraddooda maanta ay soo rideen ciidamada cirka Turkiga, taasoo ka mid ahay diyaaradaha duqeynta ku haya kooxda Islaamiyiinta ah ee Daacish.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya