4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2015
Ganacsato Soomaaliyeed oo Siyaabo kala duwan loogu dilay Gobollo ku yaalla Koonfur Afrika


Talaado, November 24, 2015 (HOL) — Saddex muwaadin oo Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay dalka Koonfur Afrika, kaddib markii ay kooxo burcad ah ku weerareen goobo ganacsi oo ay ku kala suganayeen, iyadoo sidoo kale la dhaawacay shan qof oo Soomaali ah.

Eebbe ha u raxmadee marxuumiinta la dilay ayaa kala ahaa; Maxamed Shariif Shuumeey, Siciid Cosoble [Ilka Case] iyo Macallin Faarax, kuwaasoo lagu dilay saddexdii cisho ee lasoo dhaafay magalooyinka johannesburg, Nelspruit iyo Port Elizabeth oo ka kala tirsan gobollada; Gauteng, Eastern Cape iyo gobol ku yaalla xadka ay wadaagaan Mozambique iyo Koonfur Afrika oo lagu magacabo Mpumalanga.

Maxuumiintan Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu dhex-toogtay goobahooda ganacsiga, marka laga reebo marxuum Maxamed Shariif Shuumeey oo kooxo burcad ah ay wadada u galeen xilli uu kusii jeeday gurigoosa, iyadoo laga toogtay madaxa.

Sido kale, Saddex Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay gellinkii dambe ee shalay dukaan ay wada-jogeen oo ku yaalla duleedka magaalada Pretoria, xilli koox burcad ah oo hubeysan ay gudaha ugu galeen dukaanka; kaddibna rasaas oodda ugu qaaday; iyadoo dhaawacyo fudud ay soo gaareen, waxaana haatan dhawacooda lagu daweeynayaa isbitaal ku yaalla magalada Pretoria.

Ugu dabmeyn, dilalka iyo dhaawacyada lagu hayo Soomaalida ganacsiyada yar-yar ku leh Koonfur Afrika ayaa haatan u muuqda kuwo soo kordhaya, waxaana dilalka ay si aad ah u kordhaan marka la gaaro bisha December sannad walba.

Cumar Muxumad (Cumar Kiyow)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika