4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2015
Uhuru Kenyatta oo ka Hadlay Musuq-Maasuq lagu eedeyay Xubno ka Tirsan Xukuumaddiisa


Talaado, November 24, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo shalay khudbad dheer oga jeediyay shacabka, Taleefishinka Qaranka Kenya; ayaa fariin adag u diray dadka ku kaco musuq-maasuqa oo uu sheegay iney la kulmi doonaan ciqaab adag.

khudbaddiisa ayuu ku xusay in musuqa Kenya hareeyay uu halis ku yahay amaanka, uuna keeni karo curiyaamin dhaqaale, Eex, Hanti lunsasho iyo Laaluush ka dhaca mushtamaca dhexdiisa.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweyne Kenyatta, in xabnaha ka tirsan xukuumadiisa ee lagu helo iney ku lug leeyihiin xatooyo ay la kulmi doonaan cibaaqo kala duwan, isagoona ugu baaqay Guddiga la dagaalanka Musuqa Kenya iney isha ku hayaan xubnaha damacsan iney wax isdaba mariyaan.

Dhanka kale, RW hore ee Kenya Raila Odinga oo hada ah Hoggaamiyaha Xisbiga CORD ee mucaaradka ah; ayaa ugu baaqay Madaxweyne Kenyatta inuu xilka ka qaado saraakiisha sar-sare ee ka tirsan dowladiisa ee loo haysto hanta lunsasho.

Sidoo kale, shacabka waddanka Kenya, ayaa fikrado kala duwan ka muujiyay khudbadii uu Madaxweynuhu kaga hadlay arrimaha Musuq-maasuqa, waxeyna qaarkood sheegeen iney u arkeen qudbadaas mid lamid ah khudbadihii ay horay u maqli jireen oo aynan waxba ka badali karin arrinta Musuq-maasuqa. Halka qaarka kalana ay soo dhaweeyeen, iyagoona ku tilmaameen hadalka Madaxweynaha inuu yahay mid wax weyn ka badali karo Musuq-maasuqa  ka jiro Kenya.

Ugu dambeyn Sabtidii aynu soo dhaafnay ayey aheyd markii Wasiiradii hore ee Howlaha Baahinta Awooda Kenya - Anne Waiguru ay iska casishay xilkii ay haysay kaddib markii lagu eedeyay iney lunsatay hanta fara badan.  

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya