4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2015
AUSTRALIA: Arday Somali ah oo ka qalin-jabisay Xifdinta iyo Barashada Qur’aanka (DAAWO)


Talaado, November 24, 2015 (HOL) — Dugisga barshada Qur’aanka Kariimka ee Daarul-Bilaal oo ku yaalla magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa waxaa ka Qalin-jabiyay arday dhameystay barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka.

Ardaydan ayaa waxay qur’aanka bartaan maalmaha aanay iskuullada lahayn sida; Sabtida iyo Axadda, waxaana maamulka dugsigan ay sheegeen inay soo wadeen barashada iyo xif-dinta Qur’aanka muddo afar sannadood ah, ayna hal-gal dheer ardaydu u soo mareen qalin-jabinta ay maanta qalin-jabinayaan.

Maamulaha Dugsiga Daarul-Bilaal Macallin Jimcaale iyo sidoo kale Macallin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ardaydan maanta qalin-jabiyaan, iyagoo xusay inay yihiin dufcaddii saddexaad oo dugsigan ka qalin-jabiya.

DAAWO: Munaasabada Ardayda ka Qalin-jabisay Barashada Qur'aanka Kariimka;

Sidoo kale, Ardaydan oo tiradoodu ahayd todoba arday ayaa isugu jiray shan gabdhood iyo laba wiil, waxaana Sh. Xuseen oo ah guddoomiyaha Dugsigan uu sheegay in ay tani farxad weyn u tahay Soomaalida Australia deggen oo dhan.

Dhanka kale, sanadkii hore ee 2014-kii ayaa waxaa iyaguna ka qalin-jabiyay dugsigaan 13-arday, kuwaasoo sideed ka mid ah ay ahaayeen gabdho, waxaana caruurtan oo dhami ay ku dhasheen kuna koreen waddanka Australia.

Ugu dambeyn, Waaliddiinta dhalay carruurta bartay xifdinta Qur’aanka Kariimka ah; ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in carruurtooda ay Barshada Qu’raanka Kariimka iyo xifdintiisaba ku  dhameeyaan waddanka Australia.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia