4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2015
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Caawa si Taxadar leh is-bedel ugu Sameeyay Golihiisa Wasiirrada


Isniin, November 23, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa caawa isbedel kooban ku sameeyay golihiisa Wasiirrada, isagoo xilalkii ka qaaday laba wasiir oo tirsanaa xukuumaddiisa, wuxuuna u magacaabay xilalkaas laba wasiir oo cusub.

Haddaba, qoraal kooban oo kasoo baxay caawa xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo la xiriira wasiirradan xilalka laga qaaday iyo kuwa cusub ee la magacaabay ayaa u qornaan sidan;

Waxaan halkan idiin kugu soo gudbinaynaa Wareegto kasoo baxday xafiiska RW Somalia, waxaana wareegtadan ku xusan is-badal iyo xilka-qaadis kooban oo lagu sameeyay qaar ka mid ah golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Qoraalkan oo uu warbaahinta u akhriyay agaasimaha Warfaafinta ee xafiiska RW Somalia, Xarbi Cali Kullane ayaa ayaa waxaa ku xusnaa xilalka laga qaaday Wasiirro xukuumadda Somalia ka tirsanaa iyo wasiirrada cusub ee lagu bedelay.

“Waxaa xilka qaadistan iyo magacaabida lagu sameeyay qaar golaha wasiirada xukuumada federaalka Somalia ka tirsan, iyadoo uu aqbalay madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilkii wasiirnimo ee wasaarada ganacsiga & warshadaha laga qaadey, C/raxmaan Cabdi Cusmaan, iyadoo xilkaas loo magacaabay, Inj. Cabdirashiid Maxamed Axmed oo wixii xilligaan ka dambeeya nqonaya wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa xilkii Wasiirnimada ee Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha laga qaaday, Maxamed Xasan Aaden (Shaahiyow), waxaana xilkaas loo magacaabay, Maxamed Mursal Sh, C/raxmaan oo noqonaya Wasiirka Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha wixii xilligan ka dambeeya.

Dhanka kale, wareegtada kasoo baxday caawa xafiiska RW Somalia ee la xirirta is-bedelka lagu sameeyay qaar ka mid ah golaha Wasiirrada xukuumadda Somalia, laguma soo hadal-qaadin sababihii keenay in xilalka laga qaado labadan wasiir.

Ugu dambeyn, waa markii ugu horreysay oo RW Somalia Cumar C/rashiid Cali uu isbedel ku sameeyo golihiisa wasiirrada, waxaana tallaabadan ay imaanaysaa xilli dhawaanahan la hadal-hayay isku-shaandheyn lagu sameynayo wasiirrada xukuumadda federaalka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya