4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2015
Dowladda Faransiiska oo Sheegtay in ay Xoojisay Duqeymaheeda dhanka ka ah Kooxda DAACISH


Isniin, November 23, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa si rasmi ah u sheegay maanta oo Isniin ah in Faransiisku uu xoojinayo duqeymaha dhanka ka ah kooxda Islaamiga ah ee Daacish, isagoo sheegay inay beegsanayaan saldhigyada ay IS ku leedahay waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Francois Hollande ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la sheegay RW UK David Cameron, kaasoo ay ku sheegeen labadan hoggaamiye inay ku heshiiyeen inay xoojiyaan is-dhaafsiga wararka sirdoonka labada waddan.

“Waxaan rumeysanahay inaan burburin karno Daacish,” ayuu yiri Hollande oo maalmahan dadaal xooggan ugu jiray sidii uu u heli lahaa garab gacan ka siiya howlgallada Faransiisku uu uga jawaabayo weerarkii toddobaad ka hor ay ISIL ku qaaday magaalada Paris oo ay ku dhinteen in ka badan 130-qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 350-qof oo kale.

“Duqeymaha ka dhanka ah ISIS waan sii xoojin doonnaa… waxaanan dhaawacyo xooggan gaarsiin doonnaa kooxda si walba oo ay suuro-gal noogu noqoto,” ayuu Hollande mar kale ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, Hollande ayaa wuxuu intaas ku daray. “Waa inaan burburinno ISIS… waxaana ku wargelinnay ciidamadeenna cirka inay si adag u duqeeyaan xarun walba oo ay leedahay Kooxda Daacish.”

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Faransiiska wuxuu kulammo kala duwan oo uu taageero ku raadinayo la yeeshay madax ay ka mid yihiin; madaxweyne Vladimir Putin iyo RW Jarmalka, Angela Merkel, isagoo sidoo kalena taleefoonka kula hadlay Obama.

Hollande ayaa hadalkiisa ku daray in dalalka France iyo Britain ay muddo dheer ka wada-shaqeynayeen sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Francoise Hollande ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Assad uusan noqon karin hoggaamiye, uuna ka qaybqaatay xasuuqa shacabkiisa; isagoo in taas ku daray inuusan wax xal ah ka gaari karin xaalada ka taagan dalka.

Dhanka kale, David Cameron ayaa isagana sheegay in waddankiisa ay ka go’an tahay inay taageeraan Faransiiska oo uu sheegay inay xulufo weyn yihiin, isagoo yiri. “Boqortooyada Midowday waxay sameynaysaa wax walba oo ay awooddo si ay u taageeraan saaxiibkood Faransiiska, ayna gacan uga geystaan burburin kooxda Daacish.”

Mr Cameron ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dalalka Yurub oo dhan ay kordhiyaan wada-shaqeyntooda dhanka ka hortagga argagaxisada, isagoo ugu baaqay inay xoojiyaan ilaalada xuduudahooda ayna is-dhaafsadaan macluumaadyada dhanka duulimaadyada gudaha Qaaradda Yurub iyo dibaddeeda.

“Way caddahay in Dunida ay doonayaan in la iska kaashado sidii la isaga difaaci lahaayeen khataraha argagaxisada. Waxaanan ku talinayaa in la is-kaashado sidii looga hor-tegi lahaa khataraha kooxaha argagaxisada ah,” ayuu mar kale yiri David Cameron.

Hoggaamiyeyaasha waddamada Britain iyo France ayaa waxay wacad ku mareen inay iska garab-sadaan sidii ay u jabin lahaayeen kooxda IS oo ay ku sheegeen inay tahay mid khatar ku ah ammaanka caalamka oo dhan.

Ugu dambeyn, duqeynta ka dhanka ah ururka ISIS ee uu Faransiisku billaabay ayaa kusoo beegmaysa xilli maalin ka hor uu Golaha Ammaanka ee QM uu meel-mariyay Qaraar uu u gudbiyay Faransiiska kaasoo lagu dalbanayay in la weerari karo ISIS oo toddobaad ka hor weerartay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya