4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2015
Shan Askari oo Keenyaan ah oo lagu dhaawacay Qarax lagula eegtay meel ku dhow Xuduudda


Isniin, November 23, 2015 (HOL) — Shan askari oo ka tirsan ciidamada millateriga Kenya ayaa ku dhaawacmay maanta qarax miino oo lagula beegsaday gaari ay wateen deegaanka Hululuqo oo ku dhow xadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in miinada gaariga ay wateen ciidamada KDF ay goobta geliyeen xubno ka tirsan Al-shabaab. Iyadoo xiriiriyaha gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Saalax Maxamuud uu isagana xusay in ciidamadii ku dhaawacmay qaraxa loola cararay isbitaal.

“Gaariga ay ciidamadu wateen wuxuu ku istaagay miinada oo dhulka ku aasnayd, waxaana ku dhaawacmay shanka tirsan ciidamada millateriga Kenya,” ayuu yiri Saalax Maxamuud oo warbaahinta la hadlayay. Isagoo xusay in ciidamadu ay ku marayeen halkaas rondo.

Sidoo kale, Afhayeenka ciidamada millateriga Kenya, Col. David Obonyo ayaa wuxuu isna u xaqiijiyay warbaahinta qaraxa lala beegsaday askar ka tirsan ciidamada KDF ee wadanka Kenya oo ilaalo ka hayay xuduudda u dhexeysa Kenya iyo Somalia.

“Qaraxu wuxuu dhacay isagoo xeradii uu ka baxay u jira 5-km, dhaawacyadii askartaana waxaa lagu daweynayaa isbitaalka,” ayuu yiri Col. David Obonyo, balse ma uusan sheegin noocyada dhaawacyada soo gaaray shanta askari.

Xadka u dhexeysa Somalia iyo Kenya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo lala beegsaday ciidammo ka tirsan booliis iyo millateri Kenya, kuwaasoo ay dhimasho iyo dhawacba soo gaareen.

Dowladda Kenya ayaa waxaa Somalia kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ka howlgala gobollada Jubbooyinka oo ku yaalla Koonfurta Somalia, inkastoo Baarlamaanka Soomaaliya uu Xukuumadda Kenya ka dalbaday dhawaan inay ciidamadeeda kala baxdo Somalia.

Ugu dabmeyn, Kenya ayaa waxay ciidamadeeda u soo dirtay Somalia sannadkii 2011-kii, xilligaas oo ay sheegtay in ay la dagaallamayso xoogagga Al-shabaab oo ay ku eedeyeen xad-gudubyo xuduud-ka-tallow ah oo ay ka geysatay Kenya gudaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa dhowr jeer ugu baaqday Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, si ay uga joojiso Weerarrada ay gudaha Dalkooda ka geysanayso, inkastoo madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta uu dhowr jeer oo hore sheegay inay ciidamadooda joogayaan Somalia inta laga xasilinayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya