4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2015
Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo maanta Ansixiyay Sharciga Maal-gashiga Shisheeyaha


Isniin, November 23, 2015 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay sharciga maal-gashiga shisheeyaha oo dhawaanahan ay doodo ka lahaayeen xil-dhibaannada baarlamaanka.

Kulanka baarlamaanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 147-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Waxaa sharcigan u codeeyay 147-xildhibaan oo kulanka goob-joog ka ahaa, iyadoo ay aqbaleen 143 xildhibaan, halka hal mudane uu diidady, saddex kalena ay ka aamuseen.

“Natiijada codeynta waxay noqotay… 147-xildhibaan ayaa sharcigan u codeeyay, waxaa ogolaatay 143-xildhibaan, hal mudane ayaa diiday, saddexna kalena way ka aamuseen,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo codeynta, kaddib markii codeyntu ay dhammaatay.

Sharcigan maal-gashiga shisheeyaha ayaa wuxuu maray saddex akhrin, iyadoo guddiga ganacsiga iyo warashada baarlamaanka Somalia ay dalbadeen ansixintiisa kaddib in lagu qoro luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska, maadaama uu ku qoran yahay afka Soomaaliya oo keliya.

Ugu dambeyn, xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee dhawaan soo kormeeray xuduudda ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta xuduudda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliyaa