4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2015
Madaxweynaha Bolivia oo sheegay in Israa’iil ay tahay waddan Argagaxiso ah oo dhibaato Wada


Isniin, November 23, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Bolivia, Evo Morales ayaa ku dhawaaqay toddobaadkii hore in Israa’iil ay tahay dalka argagaxiso ah oo dhibaato kawada marinka Gaza ee dhulka Reer Falastiin.

Morales ayaa xusay in wixii hadda ka dambeeyay ay dadka Israa’iiliyiinta ah ee booqanaya Bolivia looga baahan yahay inay fiiso dalbadaan, isgaoo xusay in la jabiyay heshiis 1972-kii ay wada-galeen Israa’iil iyo madaxweynihii hore ee Bolivia, kaasoo dhigayay inay fiiso la'aan geli karaan Yuhuuddu dalka Bolivia.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Bolivia ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay u aqoonsan doonaan Israa’iil waddamada qaybta saddexaad ku jira, taasoo uu ku sheegay macnaheeda in waaxda socdaalka dalkaas ay dib u eegis ku sameyn doonaan codsiyada fiisaha lagu dalbanayo ee ka imaanaya Israa’iiliyiinta.

“Haddii hadalka si kale loo dhigo, waxaan oran karnaa – Israa’iil waa waddan argagaxiso ah,” ayuu mar kale yiri madaxweyaha Bolivia Morales, isagoo intaa ku daray. “Israa’iil ma ixtiraamto shuruucda Qaramada Midoobay u dagsan iyo sidoo kale baaqyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.”

Evo Morales ayaa raacay jidkii madaxweynihii hore ee Venezuela Hugo Chavez's, kaasoo xiriirka u jaray Israa’iil sannadkii 2009-kii, isagoo ku eedeeyay inay shacabka Falastiin ku hayaan xasuuq.

Waddamada ku yaalla Koonfurta Ameerika ayaa waxay ka mid tahay kuwa ay inta badan booqdaan shacabka Israa’iiliyiinta ah, gaar ahaan dhallinyarada oo u tago waddamadaas dalxiisyo kala duwan.

Ugu dambeyn, Inta badan dalalka ku yaalla Koonfurta Ameerika ayaa waxay u yeerteen safiirradii ka joogay Israa’iil, iyagoo sheegaya inay kasoo horjeedaan dagaallada Marinka Gaza, waxaana dalalkaas ka mid ah, Brazil, Chile, Ecuador iyo Peru.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya