4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2015
Bandhiggii ugu horreeyay ee shaqooyinka loogu raadinayo gabdhaha oo lagu Qabtay Muqdisho


Axad, November 22, 2015 (HOL) — Bandhiggii ugu horreeyay ee Shaqooyinka Bannaan ee loo qabto gabdhaha ka qalinjebiyay Jaamacadaha wadanka ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto dalka.

Bandhiggan ayaa waxaa soo wada-qaban-qaabiyay Iftin Foundation iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed waxaa ka soo qeybgalay in ka badan 400 gabdhood oo ka soo qalinjebiyay jaamacado kala duwan, kuwaasoo fursad u helay inay la kulmaan in ku dhow 20 shirkad iyo hay’adood oo shaqooyinkooda ku soo bandhigay carwada.

“Ujeeddada bandhiggan waa sidii gabdhaha jaamacadaha ka qalinjebiyay ay xiriir toos ah ula yeelan lahaayeen shirkadaha iyo hay’adaha shaqooyinka bixiya, isla markaana dadka loo tusin lahaa in gabdhaha jaamacadaha ka baxay ay diyaar u yihiin inay shaqeeyaan si la mid wiilashii ay isku jaamacadda ahaayeen,” ayay tiri Khadiija xiriiriyaha Barnaamijka Fursad.

Gabdhihii kasoo qeybgalay bandhigga waxay muujiyeen sida ay xiiso ugu qabaan inay helaan shaqo ku dhisan wixii ay barteen. “Barnaamij noocan oo kale wuxuu dhisayaa niyaddeena, wuxuuna na gelinayaa rajo. Wuxuu sidoo kale na siinayaa fursad aan la heli karin oo aan toos kula hadli karno shirkadaha oo ay mararka qaarkood adag tahay inaad booqato xafiisyadooda. Waxaan rajeynayaa in carwada kaddib naloogu soo wici doono shaqooyin,” ayay tiri Deeqa Nuur oo ka mid ahayd ka-qeyb-galayaashii bandhigga.

Shirkadaha iyo hay’adaha ka qeybgalay bandhigga waxaa ka mid ahaa Hormud Telecom, Dahabshil Bank, Premier Bank, Coca Cola Somalia, Moumin Group of Companies, Somali Data Network, HornConnect, Danish Refugee Council, Concern Worldwide, Shaqo-doon, Plasma University, iyo qaar kale.

Bandhiggan wuxuu abuurayaa xiriir u dhexeeya gabdhaha iyo shirkadaha iyo hay’adaha, kaasoo ku qotoma sidii shaqooyin loo siin lahaa gabdhaha jaamacadaha ka baxay oo la kulma faquuq dhinaca shaqo-siinta marka la barbardhigo wiilasha ay isku jaamacadda ka baxeen. Bandhigyo noocan oo kale ah ayaa lagu qaban doonaa gobollada dalka.

Fursad, sida magaceedaba ka muuqata, waa barnaamij loogu talogalay in shaqooyin loogu raadiyo gabdhaha jaamacadaha ka qalinjebiyay oo ka socda dalka oo dhan. Illaa iyo haatan waxaa dadaalka fursad.so shaqooyin ku helay in ku dhow 100 gabdhood, iyadoo tababarro la siiyay in ka badan 200.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya