4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2015
Ergayga QM ee Soomaaliya Nicholas Kay oo lagu bedelayo Dublamaasi u dhashay Waddanka Britain


Axad, November 22, 2015 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa la sheegayaa in lagu bedeli doono Dublamaasi u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo, Michael Keating.

Nicholas Key oo maamulka xafiiska QM ee Somalia - UNSOM ayaa loo magacaabay 29-kii bishii Abriil, 2013-kii, ayaa bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somalia, Augustine Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania.

Wakiilka cusub ee lagu bedelayo Nicholas Kay ayaa haatan wuxuu ka tirsan mas’uuliyiinta sare ee machadka Chatham House ee xaruntiisu tahay magaalada London ee xarunta dalka Britain.

Sidoo kale, ergaygan cusub ee bedelaya danjire Nicholas Kay ayaa wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin danjirenimo xukuumaddiisa Britain iyo weliba isagoo soo noqday ergayga xoghayah guud ee QM uga wakiilka ahaa waddanka Afghanistan.

Qaramada Midoobay ayaan weli ka hadlin arrinta ku saabsan inay ergaygeeda Soomaaliya uga wakiilka ah Nicholas ay bedelayso, balse ilo wareedyo kale ayaa xaqiijiyay in xafiiska UNSOM ee Somalia loo magacaabi doono ergay cusub oo British ah.

Ergayga cusub ee lagu bedelayo danjire Kay ayaa wuxuu xilka la wareegi doonaa marka uu sannadkan dhammaado, maadaama xilliga shaqo ee Danjire Kay uu ku eg-tahay Bisha soo socota ee December 2015-ka.

Dhanka kale, ergayga cusub ee lagu bedelayo ergayga QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa wuxuu ku dhashay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda sannadkii 1959-kii, waana 56-jir.

Ugu dambeyn, danjire Nicholas Kay ayaa tan iyo markii loo magacaabay inuu ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya noqdo, wuxuu xoogga saaray sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro sannadka 2016-ka ee nagu soo wajahan.

Si kastaba ha ahaatee, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa waxay shaqadiisu tahay inuu dhanka siyaasada ka caawiyo dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu gacan ka geysto dar-dar-gelinta howlgallada ciidamada AMISOM ay ka wadaan Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya