4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2015
FAAHFAAHIN: Dagaal Gaalkacyo ku dhexmaray Maanta Ciidamada Puntland iyo Galmudug


Axad, November 22, 2015 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof oo u badan labadii dhinac ee ay dagaalladu u dhexeeyeen ayaa ku dhintay, 43-kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray dagaalka, waxaana ku jira dad shacab ah oo ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.

Dagaalkan ayaa ka billowday muran ku saabsan waddo laami ah oo la dhisayay Gaalkacyo, iyadoo maamullada Puntland iyo Galmudug uu dhinac walba kan kale ku eedeynayo in uu isagu dagaalku billaabay.

Isbitaallada Gaalkacyo ayaa la dhigay dhaawacyada dadkii ku dhaawacmay dagaalkan oo 43-qof ah; ayna ku jiraan shan ruux oo Dumar ah iyo shan carruur ah oo rayid ahaa, iyadoo 33-qof oo kalena ay ahaayeen rag intooda badan ahaa dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray.

Sidoo kale, Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland, C/casiis Jaamac Nugaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkan uu ka billowday weerar ay soo qaadeen ciidamada maamulka Galmudug, isagoo qiray in dagaalkaan uu ka billowday waddo laami ah oo laga dhisay Gaalkacyo.

“Wuxuu dagaalku ka billowday waddo Puntland ay ka dhistay Gaalkacyo, taasoo ka mid ahay mashaariic uu madaxweynaha Puntland ka waday magaalada, laakiinse dagaal ayaa waxaa nagu soo qaaday ciidamada Galmudug, khasaare dhimasho iyo mid dhaawacba wuu ka dhashay, waxaana rasaastu guryahooda ugu tagtay dadka shacabka ah,” ayuu yiri Duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur [Taar-dhuleed] oo isagana warbaahinta kula hadlayay isbitaalka degmada Gaalkacyo ayaa sheegay inay ka xun yihiin dagaalka maanta ka dhacay xarunta gobolka Mudug, wuxuuna ku tilmaamay dagaalka mid minco-darro ah.

“Waxaa dagaalka ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, dhaawacyada 43-qof oo isugu jira shacab iyo ciidammo ayaa la dhigay isbitaalka Gaalkacyo, waxaana ku jira shan haween ah iyo shan carruur ah. Inta kale oo 33-qof ahna waa rag, waxaa ka mid ah afar qof oo dhaawacyo culus qaba,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay inay arkeen toddoba qof oo dhimasho ah, kuwaasoo dhammaantood ahaa ciidamadii dagaalku u dhexeeyay marka laga reebo qof rayid ah.

Ugu dambeyn, xaaladda degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xasilloon, iyadoo ay ciidamadii dagaalamay ku kala sugan yihiin goobihii uu saakay dagaalku ka billowday oo ah bartamaha Gaalkacyo, waxaase laga baqdin qabaa inay dagaallo kale dhacaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya