4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2015
PUNTLAND: Agaasime loo Magacaabay Hay’adda Daryeelka Bulshada Puntland [WAREEGTADA]


Axad, November 22, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa agaasime cusub u magacaabay hay’adda daryeelka bulshada ee Puntland, kasoo lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska C/weli Gaas.

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Hay’adda Daryeelka Bulshada Puntland ayaa ah Axmed Maxamed Muuse (Dhafuuje), isagoo ka mid ah ahaa muddo dheer qurbo-joogta ka soo jeeda Puntland ee ku nooolaa dalka Mareykanka

Wareegtada magacaabista agaasimahaan cusub ayaa lagu yiri; in Axmed Maxamed Muuse loo magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda daryeelka bulshada Puntland. isagoo bedeli doona agaasimihii hore ee hay’addan soo maamulayay oo lagu magacaabo, C/risaaq Dayid Guure.

AKHRISO; WAREEGTADA LAGU MAGACAABAY AGAASIMAHAN CUSUB;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya