4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2015
MADAXWEYNAHA SOMALIA: Bulshada ayaa Go’aamin doonto Aayaha dalka ee Sannadka 2016-ka


Axad, November 22, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay shirarka wada-tashiyada Qaran ee looga hadlayo aayaha dalka iyo doorashooyinka la filayo inay dhacaan sannadka soo socda ee 2016-ka.

Xasan Sheekh ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay go’aamo ka gaari doonaan aayaha dalka, isagoo ku baaqay in la adkeeyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuuna si gaar ah u bogaadiyay Wadata-shiyadii ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka ee looga hadlayay aayaha dalka.

“Warbixintan middii ka horreysay waxaan dadka u sheegnay in 16-kii bishan November in dalka meel kastoo ka mid ah loo wada-dhaqaaqay, loona diray inay si wadajir ah uga wada-qaybgalaan wada-tashiga Qaran ee looga tashanayo marxaladda is-bedelka ah ee dalka ku soo fool leh, waxaana Alle mahadii ah oo aan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego in wada-tashigayadaasi ay si qurux badan u dhaceen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa xusay in muhiimada wada-hadalladaas ay ahaayeen in dadka Soomaaliyeed loo bandhigo waxa la doonayo iyo sida ay u arkaan qaabka looga gudbi karo marxalada hadda uu dalk ku ku jiro.

“Waxaa noo furan laba waddo middood. Middo koowaad waa Muqdisho innagoo ku sugan Muqdisho aan dhahno halkan ha lagu qabto watashiga talada aayaha dalka oo aan wada-gaarno go’aan. Midda labaadna waa Muqdisho oo kaliya ma ahan dalka ee wuu ballaaran yahay ee bulshada inteeda kale talada ha laga qayb-geliyo oo aan wada-gaarno go’aan mid ah, wada-tashiyada dalka waddada loo marayo ha ka taliyeen. Midda ay u bataan ayaan la qaadanayaan;” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Somalia.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay ahmiyadda ay bulshada u leedahay inay noqdaan kuwa midnimada ka shaqeeya, wuxuuna xusay in wada-tashiyadii ka dhacay gobollada dalka iyo Muqdisho ay muujinayso inay jirto midnimo siyaasadeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed iyo maamulada heer federal iyo heer gobol ee ka jira dalka ku bogaadinayaa in aan sii xoojinayo midnimada oo aan hal far wax ku wada maamulano, wixii yar-yar ee jirana aan u xallino si hoose, amuuraha heer Qaran oo dhan waxaan u wajahaynaa annagoo mid ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa farta ku goday in go’aan ka gaarista talada dalka ay lahaan doonaan shacabka Soomaaliyeed wixii ka dambeeya sannadka 2016-ka, isagoo u mahad-celiyay dhamaan xubnihii ka qeyb qaatay fikir ururintii laga sameeyay dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya